Ra’isul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in wadahadal uu socdo dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsan dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Raila ayaa tilmaamay in wali Kenya iyo Qaramada Midoobay aysan isla meel dhigin dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia, wuxuuna yiri mar uu arrinkaasi ka hadlayey “Weli waxaan wadahadal la wadnaa Qaramada Midoobay oo ah hey’adda qaabilsan qiimaha lacageed ee lagu xoojinayo ciidamada Kenya laga soo bilaabo bishiiJanuary ee bilowgii sanadkan illaa iyo bishii August ee la soo dhaafay tani waa arrinta aan weli kala hadleyno Qaramada Midoobay” sidaasina wuxuu u sheegay Baarlamaanka dalkiisa Raila Odinga oo intaasi ku daray in howlgalka Kenya ay ugu dhinteen 17-askari halka 5-kalena nolal lagu la’yahay.
Ciidamada Kenya ayaa si rasmi ah ugu biiray howlgalka ciidamada AMISOM bishii July xilligaasi oo Baarlamaanka Kenya uu ansixiyey mooshin la keenay bishii December 2011-kii, ka dib markii 3-billood ka hor ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya taas oo iyana keentay muran kala qeybiyey xubnihii ugu sareeyay dowladdii hore gaar ahaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’isul wasaare C/weli Cali Gaas.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.