Xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayey Sudlaanka guud ee beelaha jareerweyne ee deggan Somaliland ayaa lagu qabtay Hoteka Maroodijeex ee bariga magaalada Hargeysa.munaasibadda xadladdaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kaladuwan oo ka kala socday qaybaha kaladuwan ee bulshada sida Sulaadiinta,dhalinyarda,haweenka,siyaasiyiinta.
Dhanka kalana ujeedada uu Boqorka Beesha Jareerweye xiligan ugu so aaday magaada Hargeysa ayaa lagu sheegay inay tahay sida dadka beeshaasi Jareertu magan ugu noqon lahaayeen beesha Habaryoonis gaar ahaan beesha Isxaaq ee uu Suldaan Yuusuf ka soo jeedo.
Dhibaatooyin farabadan oo ka soo geeray dadka beeshaasi deegaanada ay ku dhaqan yihiin ee Somaliland darteed ayaa keentay inuu Boqorka beeshaasi Boqor Faarax Cabdi Guure meel ku ogaado Jaaliyadda beeshiisa ee Hargeysa daggan sidii ay xaaladooda guud u noqoto mid lagala xidhiidho meel kaliya oo hadhaw loo raaci wixii ku yimaada dhib iyo dheefba.
Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Maxamed Cali oo ka mida aqoonyahanda beesha Jareerweyne ka jooga magaalada Hargeysa waxaanu sheegay ujeedada ay xafladan u qabteeni inay tahay sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Boqorka beeshooda oo booqasho ugu yimid is uu xog ogaal ugu noqdo duruufaha kala duwan ee beesha Jareerweyne ku sugan tahay xilligan “ujeedada aanu maanta xafladdan uqabanay waxa weeye inaanu soo dhaweyno Boqrkayaga Boqor Faarax Cabdi Guure oo booqasho nooyimid” ayuu yidhi Maxamed Cali.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Sheekh Maxaemd oo kamida culimada beesha Jareerweynaha ee daggan magaalada Hargeysa waxaanu ka waramay qiimaha ay u leedahay soo dhaweynta boqorkooda,dhanka kalana waxa uu fasiriay magaca Jareerweyne iyo waxa uu u taagan yahay waxaanu yidhi “magaca Jareerweyne maaha macnaheedu markaad maqashaan in uu yahay qof sanweyn oo timo adagg” ayuu yiri.
Dhanka kalan waxa uu sheegay inay nabad iyo noloba ka heleen Somaliland “waxaanu u mahad celinanaa Dawladda Somailadn oo anau ka helay nabad galiyo iyo nolol wanaagsan iyaguna waxay naga heleen farsamo wanaagsan iyo daacadnimo” ayuu yiri Sheekh Maxamed.
Dhanka kalana waxa uu sheegay inay Somaliya gashay marxalad cusub isla makraana ay u dhalatay Dawlad ay soo dhiseen Oday dhaqameedka Somaliyeed “maanta Dawladda la soo dhisay waxaa soo dhisay Salaadiinta iyo Cuqaasha markaa Dawladda Somaliya ee la dhisayo m aamulkeeda waxaan u soo jeedinayaa inaysan ku kadsoomin waxaanu Ogeyn Boqorka beesha Jareerweyne” ayuu yidhi Sheekh Maxamed.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Caaqilka beesha Jareerweyne ee Somaliland waxaanu sheegay Caaqil Arwaax inay aad iyo aad uga mahad sheeganayaan Somaliland Dawlad iyo shacaba.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Caaqil Cabdi Faarax yuusuf oo kamida beesha Bariga Hareysa waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin isla markaana ay ballan ku qaadayaan inay ka shaqeeyaan sidii ay uxalin lahaayeen wixii ku yimaada beesha Jareerweyne.
“maanta waxaa sharafweyn ii ah inago oo ku hadlay magaca beesha aan kamidka ahay Jiif Caaqilladooda inay is barashada labda beelood intaa ka sii balaadhato oo aysdhexgalo oo lakala guursado”ayuu yiri Jiif Caaqil Cabdi Faarax.
Waxaa isanguna madashaasi ka hadlay xubinkale oo ka tirsan beesha bariga Hargeysa waxaanu sheegay sida uu Jiif Caaqolkii horaba sheegay inay ku faraxsan yihiin soo dhaweynta Boqorka beesha Jareerweyne ee Jaaliyadda Somaliland “sida uu Cabdi Faarax sheegay waxaan soo dhaweynayaa inay Guri weyn isku waraystaan labada beelood oo kulan intaa ka balaadhan ay isku soo horfadhiistaan”
Oday Ibraahim Yuusf Cabdi oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay beesha Jareerweyne degaan ahaan u leeyihiin deeganaada ku xeeran Webiyada Somaliya “beesha Jareerweyne waxay Daganyihiin deegaanda ku teedsan webiyada Somaliya oo ah meelaha ugu fiican Somaliland-na waxaan leeyahay hadii aad soo dhaweysaan beelaha Jareerweyne waad ku liibaanaysaan” ayuu yiri Oday Yuusuf Ibraahim.
Xildhibaan Maxamed Wali Warsame oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay madashani qayb ka tahay kaalinta Golayaasha Guurtidu ku leeyihiin bulshada dhexeeda,Mudane Warsame waxa uu sheegay inay dadka beeshaasi yihiin dad dhaqan wanaagsan oo inta badan meelaha laga helaa ay tahay Masaajidda iyo inay shaqadooda ku jiraan kaliya.
“dadka beesha Baantuugu [Jareertu waa dadkii shaqada iyo wax soo saarka wasaarada beeraha Somaliland-na waxaan u soo jeedin lahaa dadka Jareertu waa dadkii ka shaqayn lahaa beeraha ee waa inaad shaqaalaysiisaan si ay wax uga soo saaraan dalkeena” ayuu yiri mudane Maxamed Wali Warsame.
waxaa siaguna madashaasi ka hadlay Suldaan Ibraahim Faray oo kamida Salaadiinta beelaha Hawiye waxaanu sheegay inay dadka Jareerweyne yihiin kuwii laga bartay farsamada gacanta laga qabto oo dhan sidaa darteed ay mudan yihiin soo dhaweyn iyo walaalnimo.
intaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay Boqorka beesha Jareerweyne Boqor Faarax Cabdi Guure waxaanu sheegay inay sharafweyn u tahay inay dadka uu Boqorka u yahay iyo Suldaanka Beesha bariga Hargeysa ku soo dhaweeyaan munaasibaddan uquruxda badan.
"Sudlaan sidii laguu sheegay dadkani waa dad nabadeed mana aha dad dagaalka ku dagdaga waxaanan rabaa Suldaan Xiiray maanta inaan kugu wareejiyo masuuliyadda beesha Jareerweyne ee Somaliland" ayuu yidhi Boqor Faarax Cabdi Guure.
"Suldaank waxaan ku wareejinayaa Kitaabka Qur;aanka kariimka ah oo aan doonayo in lagu xukumo beesha Jareerweyne wixii ay dambi ka galaan Somaliland iyagana loogu xukumo wixii danbiyo laga galo" ayuu yidhi Booqor Faarax Cabdi Guure.
"waxaa kale oo aan Sudlaanka u wareejinayaa xeerkii dhaqanka beesha Baantuuga [Jareerweynaha] ee Somaliland” ayuu yiri.
waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxaanu sheegay inuu ka gudoomay xeerka beesha Baantuuga iyo Kitaabkii Qur’aanka ahaa labadaba,waxaanu sheegay inuu maanta laga bilaabo isagu Suldaan u yahay dadka beesha Jareerweynah [Baantuuga] ee dagan Soomaliland.
“Boqor waxaan kaa Gudoomay Kitaabkii iyo xeerkii beeshaba waxaanan kaa balan qaadayaa inaan Sudaan u ahay Jaaliyadda beesha Jareeweyne” ayuu yiri Suldaan Xiiray.
dhanka kalana Suldaan Yuusuf waxa uu sheegay in uu dhul ay dagaan iyo beero ay beertaamba ka siin doono jaaliyadda Baantuuga oo aanay cidi lala hayn” ayuu yiri Suldaan Xiiray.
waxaanay Sudlaanka Beesha Bariga Hargeysa Suldaan Xiiray iyo Boqorkka beesha Jareerweyne si farxad leh isugu gacan qaadeen madashaasi iyaga oo dhoolo cadaynaa oo ay xagga dambe ka taagan yihiin oday dhaqameeka labada dhinac.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.