Ciidamada huwata ah ee magaalada Kismaayo dhawaan kalawareegay kooxihii Alshabaaka ayaa ku hawan nadiifinta magaalada kismaayo sida waxyaabaha qarxa ama Miinooyinka dhulkal lagu aaso oo ay uga shaki qabaan inay kooxahaasi magaaldada ku aaseen markii ay ka baxayeen si ay ugu qaraxdo ciidamada kala wareegay magaalada maamulkeedii.
markii ay ka bexeen kooxaha Alshabaab magaalada gudaheeda ciidamada huwantu horey markiiba kismaayo soo galin magaalada basle waxay dul fadhiyeen maalmo sidii ay u kala ogaan lahaayeen khatarta ay kala kulmi karaanhadii ay markiiba horey ka soo galaan,gaar ahaan waxay cabsi badan ka qabeen inay lugta kula dhacaan Miinooyinka qarxa kuwaasi oo sidii ay ka cabsi qabeen ay ku qaraxay meel fadho u ahayd Dawladda ciidamadeeda gudaha magaalada Kismaayo balse aanay khasaare gaysan sida ay sheegeen saraakiisha ciidmada huwanta ee ku sugan Kismaayo gudaheeda.
hadaba muuqaalladani waxay ka tarjumayaan hawlgalada ay ka wadaan ciidamada huwanta ahi gudaha magaalada Kismaayo gaar ahaan inay ka soo saaraan Miinooyinka dhulka lagu aasay goobihii ay Alshabaabku filayeen inay ciidamadaasi salka dhigan doonaan markay magaalada soo galaan,waxaana is garab fadhiya laba sarkaal oo dhulka ka soo saaraya Miinooyinka qaraxa sameeya ee loogu talo galay inay halaagaan dadka iyo gaadiidkaba.
ilaa hadda ciidamada huwanta ahi wax qaraxyo ah oo dhibaato weyn gastay kalamay kulmin gudaha magaalada Kismaayo tan iyo intii ay kala wareegeen kooxhihii Alshabaabta ee mudada dheer magaalada maamulkeeda gacanta ku hayey waxaanay wali ku hawlan yihiin sidii ay magaalada uga si fayn lahaayeen qashinka haraagii qaraxyada ay kooxihii Alshaabku kaga tageen magaalada gudaheeda si ay ugu qarxaan dadka ku nool magaalada gaar ahaan ciidamada kala wareegay Kismaayo ee huwanta.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.