Tiro Haween Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay Xabsiga Al-Khumus ee dalka Libya.

xeydar October 5, 2012 Comments Off
Tiro Haween Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay Xabsiga Al-Khumus ee dalka Libya.

(Tripoli:Libya):20 Haween Somaaliyeed ah oo isugu jira kuwa uur leh iyo kuwa xanuunsan ayaa laga sii daayay

 

Xabsiga Al-Khumus oo 120-KM u jira magaalada Tripoli ee caasimadda Libya. Waxaa haweenka la sii daayay la socday dhowr caruur ah oo ay igayu dhaleen.
Sidoo kale Safaaradda Somaaliya ee dalka Liby ayaa dadaal ugu jirta sidii boqollaal dhallinyaro ah oo isugu jira Rag iyo Dumar oo Xabsiyada Libya ku jira ay iyaguna u heli lahaayeen xurriyadooda kuwaas oo ay ciidanka amaanka ee Libya gacanta ku soo dhigeen ayaga oo ku jiray tahriib xagga Badda ah oo ay rabeen inay ku gaaraan xeebaha Dalka Talyaaniga iyo Jaziiradda Malta.
Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee Libya Md.Muxyaddiin M.Kaalmoy oo haweenkaas Xabsiga laga sii daayay kula hadlayay gudaha Safaaradda, ayaa ku boorriyay inay ka waantoobaan Tahriibka ay naftooda ku tahlukaynayaan iyo wixii aan waafaqsanayn sharciyada.

 

Mudane Kaalmoy, wuxuu Haweenkaas iyo guud ahaanba Dhallinyarada kumannaanka ah ee ku sugan gudaha Libya u soo jeediyay, kulana taliyay, inay ka shaqaystaan dalka Libya, iyagoo ka faa’iidaysanaya fursadaha taagan.

 
Qunsulku wuxuu tibaaxay:-”Ka-waantooba naftiinna aad ku tahlukaynaysaan Badda”.”Ka xoogsada dalkan aad joogtaan, ama dib ugu laabta dalkii hooyo”,”Hadda waxaa la joogaa xilligii ay dhammaan dibad-joogta Soomaaliyeed, siiba dhallinyaradu dib ugu laaban lahaayeen dalka”,”Waxaa la galay marxalad cusub, waxaa laga baxay ku-meel-gaarnimadii, waxaana loo baahan yahay, inaynu dhammaan u soo jeesanno dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa…in la laabo safxadihii hore ee colaadda iyo kala qaybsanaanta bulshadeed”.

 
Sida la ogyahay in ka badan 700 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo isugu jira rag iyo dumar ayaa ku sugan Xabsiyada Libya, dhammaantoodna, waxay ku eedaysan yihiin Tahriib iyo Socdaallo sharci-darro ah.Xabsiyada ay dhallintaas ku jiraan, ayaa waxaa ka mid ah:Al-Khumus,Duweysha, Zawiya,Surmaan,Sabraata iyo kuwa kale…

 

Mahadsanidiin,
Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda Somaalida ee dalka Libya

Comments are closed.