MADAXWEYNAHA DALKA KENYA OO KA HADLAY QABSASHADII MAGAALADA KISMAAYO

xeydar October 5, 2012 Comments Off
MADAXWEYNAHA DALKA KENYA OO KA HADLAY QABSASHADII MAGAALADA KISMAAYO

Madaxweynaha Dalka Kenya Mwaki kibaki oo ka hadlayay Arimaha Soomaaliya ayaa markale ku celiyay in si weyn loo adkeeyo Ammaanka Wadanka Kenya Madaama uu sheegay in ay dhici karaan weeraro Argagxiso oo ka dhacay Dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi.

 

Madaxweyne Kibaaki ayaa sheegay in kalsooni Buuxda uu ku qabo in Soomaaliya ay dhadhamisay Neecowda Nabada. isagoo ka duulaya Qabshadii Kismaayo ay qabsadeen Ciidamada huwanta.waxa uu kalo tilamaaya Mr Kibaki in kenya iyo Wadamada Soomali Dariska la ah ay u riyaaqi doonaan Nabad Soomaaliya ka dhalata marka la dhameeyo weerarada Argagixisada oo Soomaaliya wali ka jira ayuu yir kibaaki.

 

Kibaaki oo ku Dheeraaday ka Hadalka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Shaaca ka qaaday in uu aad ugu faraxsan yahay la wareegitaanka Kismaayo.Guul weyna ay u tahay Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Kenya oo Muddo ka badan Sedex Sano ka dib la wareegay Kismaayo ay ka gacanta ku hayeen Al-shabaab.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa waxa uu Hoosta ka xariiqay in Nabada iyo Barwaaqada ka jirta Wadankiisu ay Saldhig u tahay Ammaanka uuna sheegay in Ammaanka Wadankiisa aad loo adkeeyn doono Maadaama ay weeraro kaga Imaankaraan Dhanka Soomaliya kuwaasi oo ku Qaadaan Al-shabaabka Soomaliya ka Dagaalama dhowr jeer oo horena Hanjabaado u jeediyay.

 

ugu danbeyntiina waxa uu soo Hadal qaaday Ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo sheegay in sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya Tan iyo inta gaarayaan ujeedkii ay u soo galeen Soomaaliya.

 

Hadalkaan ka soo baxay Kibaaki ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Wadanka Kenya ay sheegtay in Weeraro Argagaxiso ah kaga imaan karaan Maadaama Kenya ay ka mid tahay Wadamada Ciidamada ka joogo Soomaaliya,hadana la wareegay Magaalada ugu Weyneyd ay ku Xooganaayeen Al-shabaab.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.