Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inay si toos ah ula macaamileyso dowladda Soomaaliya

xeydar October 5, 2012 Comments Off
Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inay si toos ah ula macaamileyso dowladda Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay 38-milyan oo Pound oo lacagta Ingiriiska ah ku caawineyso dowladda cusub ee Soomaaliya si wax looga qabato dhinacyada ammaanka, horumarinta adeegyada bulshada iyo cadaaladda, ka dib markii wafdi ka socda dowladda Ingiriiska ay Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana wafdiga ka socday dalka Ingiriiska ayaa waxaa hogaaminayey wasiirada horumarinta iyo arrimaha Afrika ee Ingiriiska, waxaana kulanka ka dib ay si wadajir ah ula hadleen saxaafadda si ay sharaxaad uga bixiyaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.
“Waxaan ka wadahadlanay arrimo ku saabsan cilaaqaadka dowladda Ingiriiska iyo tan Soomaaliya, waxaan kaloo ka hadalnay qaabka ay dowladda Ingiriisku u saacideyso shacabka Soomaaliya, waxaana isla garanay in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto baahiyaheeda dowladda Ingiriiska ay ka jawaabto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda Ingiriiska ay u ballaan-qaaday inay ka caawineyso Soomaaliya dhismaha hay’adaha kala duwan ee dowladda, isagoo intaas raaciyey in wafdiga iyo isagu ay si aad ah iskula garteen inay labada dowladood si toos ah u macaamilaan.
Wasiiradda horumarinta calaamiga ah ee dalka Ingiriiska Justine Greening oo iyaduna la hadashay saxaafadda ayaa sheegtay in dhismaha dowladdan cusub ee Soomaaliya ay tahay fursad dhab ah oo lagu xasilinayo dalka iyo inay yareyso khatar kale oo dhacda, waxayna tiri “Dowladda Ingiriisku waxay dowladda cusub ee Soomaaliya ku caawineysaa 38-milyan oo Pound saddexda sano ee soo socota si wax loogu qabto horumarinta cadaaladda, ammaanka, maareynta dhaqalaaha bulshada iyo waxqabadka dowladaha hoose iyo guud ahaan wax ka qabshada horumarinta arrimaha bulshada”.
Sidoo kale waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska oo isna ku dhawaaqay in Ingiriiska ay 10-milyan oo dheeri ah ku caawineyso dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato baahiyaheeda deg-degga ah iyo weliba horumarinta saxaafadda xorta ah, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in dowladdiisu ay qorsheynayso inay Soomaaliya ka furato safaaradda dhammaadka sanadkan haddii ammaanka uu noqdo mid sidan ka sii wanaagsanaada.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somali

Comments are closed.