Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii ugu horeeyay ku aadaya mid ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

xeydar October 4, 2012 Comments Off
Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii ugu horeeyay ku aadaya mid ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadka dambe markii ugu horeysay dalka dibaddiisa uga dhoofi doona tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada Soomaaliya bishii hore tobankeedii.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sida wararku sheegayaan u dhoofi doona dalka Yugandha halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabada Golden Jubille oo loogu dabaaldegayo 50-guurada ka soo wareegatay xornimada dalkaasi, iyadoo ay munaasabaddaasina iman doonaan in ka badan 14-Madaxweyne oo adduunka daafihiisa ka socda.
Wasiirka warfaafinta dowladda Yugandha haweeneyda lagu magacaabo Karooro Okurut ayaa wariyaasha ugu sheegtay magaalada Kampala in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagi doono Kamapala bishan 9-keeda, waxayna tiro iyadoo arrimahaasi ka hadleysa “Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu noo xaqiijiyey inuu ka soo qeybgali doono munaasabaddaasi weyn”.
Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa sidoo kale munaasabaddaasi ka qeybgeli doona, waxaana warar ku dhow Villa Soomaaliya ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulan Kampala kula yeelan doono Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi oo isaga laftiisa dhawaan ku guuleystay doorashadii dalkiisa ka dhacday.
Madaxweyne Mursi ayaa ah siyaasi ka soo jeeda ururka Ikhwaanul Muslimiin oo sida la sheego xiriir dhow la leh Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo la taliyaashiisa, waxaana jira ballanqaadyo taageero ah oo Madaxweynaha Masar u sameeyay dowladda cusub ee Soomaaliya, sidaasi awgeed ayaa kulanka labada nin uu muhim u yahay safarka madaxweynaha.
Safarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ku tagayo dalka Yugandha ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu dalka uga baxo tan iyo markii la doortay bishii hore bilowgeedii, waxaana xusid mudan in Yugandha oo ah wadan ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya ay noqotay meeshii ugu horeysa ee dibadda ah ee uu cagta dhigo Madaxweynaha cusub ee dalka.

C/rashiid C/laahi Xeydar

Rashiid123@gmail.com

www.jiinwebi.net

Bank of Somali Rivers

Mogadisho Somalia

Comments are closed.