Maalin Hooyoooyin badan oo Soomaaliyeed ay ooyeen qaarkoodna ay asaay saarteen!!!.

xeydar October 4, 2012 Comments Off

WAXAY AHEYD MAALIN MADOOW

Maalin Hooyoooyin badan oo Soomaaliyeed ay ooyeen qaarkoodna ay asaay
saarteen!!!.
By Asad Dhayow

 

4/10/2011 maalin tallaado ah waxay aheyd maalin aan sina uga goayn
quluubta shacabka Soomaaliyeed , waa maalin aan waynay asxaab badan oo
qaali ah, maalin si ar xan daro ah loogu gardarooday shacabka
Soomaaliyeed,maalin arday Soomaaliyeed gab lameen, waxay aheyd maalin
Hooyoooyin badan oo Soomaaliyeed ay ooyeen qaarkoodna ay asaay
saarteen.

Maanta oo kale sanadii ina soo dhaaftay magaalladda Muqdisho waxa ay u
aheyd maalin mugdi ah (DISMAL DAY) maalinta waxaa qof arxan laawe ah
oo watay gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay si bareer ah ulla
soo beegsaday Dhismaha Hargaha & saamaha oo ku yaalay Km4 kasoo
horjeedka Xarunta CID ee magaalladda Muqdisho.

Maalintan waxaan ku jiray guddaha dhismahaasi illaah mahadii kuma wax
yeeloobin marka laga reebo dhaawac yar oo madaxa iga soo gaaray kaasoo
ahaa Muraayddaha Bur Burkoodda.

Mar aan nafta lasoo cararay oo aan hoos usoo cararnay aniga iyo asxaab
kale oo wada dhiigayay ayaan waxaan aragnay muuqaal ka badalanay kii
markii hore aan soo galayay, waardiyii iridka laga soo galayay joogay
oo laba cad noqday, geed weyn oo lagu harsanayay oo dhulka yaalla, dad
badan oo arday u badnaa oo holcayo, INNAALILLAAH WAINAALIEYHI
RAAJICUUN Markaas ayaa miir igu danbeysay waan shoogay oo arga gaxay
waxna waan kala garan waayay, markaas ayaan si xoog ah usoo cararay
anoo dhex jiiraya bur burkii, waxaana arkayay dad Hurayo oo gacmaa kor
u taagayo.

 

Markii aan dibadda hore usoo baxay qofkii ugu horeeyay ee aan aqoosado
waxa uu ahaa Allah u Raxmadee C/sallaan Sheeq Xsan XIIS oo rabay inuu
wareysi iga qaado lkn hadal waan kari waayay kadib anoo dhiig iga dayo
waxaan nasiib u yeeshay inaan helo gaari sidiina ayaa isbitaalka
madiina la iigu keenay, runtii waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee
dhaqaatiirtu ay caawiyaan, markii aan 5 daqiiqo joogay isbitaalka anoo
dhaymo laigu wado ayaa waxaa la keenay dad gubanayo, runtii
dhaqaatiirtu aniga waa iska kee illoobeen, waxaan maqli jiray “ FURUQ
HADUU YIMAADO WARAABOOW WAA FARA KU LEEF” waxaa la iyiri wallaaloow
iska bax wax ma qabtide.

Illaah ayaan ku mahdiyaa oo iga bad baadiyay waloow dad badan oo
ajashoodda soo dhamaatay ku naf waayeen qaarkoodna dhaawac halis ah
ka qaadeen kuwa kalena ay ku miir waayeen halka kuwa kalena iyagoo
midabkoodda is badaly si Samir iyo dulqaad ah ku noolyihiin.
Ma qayaasi karo wixii meeshaasi ka dhacay maalintaasi saameynta ay igu
yeellatay illaa hada hadii ay qalbigeyga kusoo dhacdo waan arga gaxaa,
illaah waxaan ka baryaa inuu dadkii ku naf waayay Janadda ugu Abaal
guddo Gardaradii loo gaba gabeeyay.

Inakastoo wali ay magaallada Muqdisho ka taagan tahay islamarkaana
wali naga sii dhex guuxeyso tii iyana sidaas oo kale ahayd oo dad
rayid ah lala beegsaday 20kii bishii hore kaasoo ahaa isna mid
miidaamin ah kaasoo hoos loogu dhigayay farxada Shacabka
Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib daro ah ineey sheegteen Xarakadda Alshaab sanadii hore
waliba iyagpp ku faraxsan, kii ugu danbeeyayna sidoo kale waa ay ku
faaneen.
Ma aqaano kuwa sidaas wax u gala cadowtinimadda ay u qabaan umadda
Soomaaliyeed waxaanse illaah ka baryaa inay ogaadaan in ay wax xun
sameynayaan oo aan dan u aheyn adduun iyo aaqiraba,

Ugu danbeyntii waxaan Alle (SW) Ka rajeynayaa in Sanad kan kiisa kale
Xaallada Dalkeena oo wax weyn iska badalo, dowladdeena rasmiga ah ay
wax weyn ka badasho qalbiyada shacabka oo rajo dhigay, rajadii kusoo
celiso, Madax weyne Hassan Sheikh waxaan ka codsanayaa inuu siyaasad
sax ah oo Soomaalinimo ku dhaqo Umadda, Sida hada raaliga loogu yahay
noogu muuyiyo wax la taaban karo inshaa Allaah.

W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
Email asaddhayow@gmail.com

Comments are closed.