Warark naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Maraakiibta dagaal oo ku sugan xeebta magaalada Kismaayo ay saakay aroortii duqeyn u geysteen magaalada Kismaayo.
Ku dhawaad Toban gantaal ayay Maraakiibtaasi ku weeraren magaalada Kismaayo, waxayna wararku intaas ku darayaan in xoogaga Al-shabaab ay iyaguna madaafiic ku tureen dhinaca Badda, iyagoo ka jawaabayay duqeynta lagu soo qaaday magaalada Kismaayo.
Lama sheegin khasaare ka dhashay madaafiicdaas lagu duqeeyay magaalada Kismaayo, balse waxay cabsi xooggan gelisay shacabka reer Kismaayo oo bilaabay bakarac xooggan iyagoo ka cabsi qaba in ay waxyeelo kasoo gaarto duqeymaha ay isweeydaarsanayaan xoogagga Al-shabaab iyo maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebta Kismaayo.
Dhanka kale Xiriiriyaha arrimaha binni’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Bark Bowden ayaa sheegay in ay ka soo horjeedo weerarada lagu qaadayo magaalada Kismaayo oo ay xustay inay cawaaqib xumo ay ugu horreysi xaalado barakac iyo macluul ay ka dhalanayso. “Waxaan ka soo horjeednaa, isla markaasna aan ka digeynaa in weerar lagu qaado magaalada Kismaayo, waayo magaaladaasi waxaa ku sugan dad badan oo u badan barakacayaal, dadkaasi ma awoodaan inay markale sameeyaan barkac, waxaana ka dhalankarta haddii weerar lagu qaadi xaalad macluul ah, taasina waxaa daliil u ah duqeyntii ugu dambeysay ee magaaladaasi ka dhacay oo sababtay barakac weyn” ayuu ku yiri warsaxaafadeedkiisa Bark Bowden.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.