Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay magaalada Baydhabo

xeydar October 1, 2012 Comments Off
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow waxa ay gaareen magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay u badan yihiin Xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka Bay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Baydhabo ku soo dhoweeyay masuuliyiinta maamulka Gobolka Bay iyo kan degamada Baydhabo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom iyo weliba dadweyne aad u fara badan.

Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya booqsho ku tago magaaladda Baydhabo tan iyo markii la doortay 10-kii bishii September ee sanadkan.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta gobolka Bay, kuwa degmada baydhabo, Saraakiisha ciidamada, Waxgaradka iyo bulshada reer Baydhabo qaybaheeda kala duwan, isagoo wadahadalkiisa uu u badnaan doonaan arrimaha amniga gobolka Bay.

Booqashada xigta waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayaa magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.