Kismaayo oo ciidamo fara badan la ciirciireysa

xeydar October 1, 2012 Comments Off
Kismaayo oo ciidamo fara badan la ciirciireysa

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay la ciirciireysaa ciidamo aad u fara badan oo maanta gudaha u halay iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay aysan magaaladu wax ciidan ahi ku sugnayn.

Ciidamada huwanta ee isugu jira kuwa Kenya iyo kuwa Soomaaliya ayaa goor dhow gudaha u galay magaalada Kismaayo, iyadoo lagu arkayo xaafad kasta ciidamo iyo gawaarida dagaalka oo ay wataan ciidamada huwanta oo si taxadar leh xaafadaha u gaaf wareegaya.

Ciidamada ayaa dhowr jiho ka soo galay magaalada Baydhabo, iyagoo qarakoodna ay lugeynayaan, qaar kalena ay gaadiidka dagaalka saaran yihiin, waxaana hareeraha magaalada tuban dadweyne aad u fara badan oo banaanka uga soo baxay aqaladooda.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka ayaa hawada magaalada dul heehaabaya, kuwaasoo ciidamada galay magaalada kor ka ilaalinaya.

 

Ciidamada huwanta ayaa waxay degeen Xarunta degmada Kismaayo, Saldhiga Booliska iyo fagaaraha Beerta Xoriyadda iyo weliba saldhigyo kale oo xaafadaha dhexdooda ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada is garabsanaya ayaa ugu baaqay dadka inay is dajiyaan, isla markaana la soo celinayo nidaamkii iyo kala dambeynta.

 C/rashiid C/laahi Xeydar

Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.