Madaxweynaha Soomaaliya baaq gaar ah u jeediyay Xarakada Al-shabaab, kana dalbaday inay

xeydar October 1, 2012 Comments Off
Madaxweynaha Soomaaliya baaq gaar ah u jeediyay Xarakada Al-shabaab, kana dalbaday inay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Idaacada BBC-da laanteeda afka Carabiga ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya ay la wareegeen magaaladaasi, wuxuuna intaasi ku daray in dagaalkii Jubbooyinka guulo-waaweyn laga gaaray sida uu hadalka u dhigay, isla markaasna la wareegidda Kismaayo ay dowladdiisu uga dhigantay fursad aad u qaali ah oo aysan weligeed helin.

 
Xasan Sheekh waxaa kale oo uu sheegay in hadafkoodu uu yahay sida uu yiri sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen guud ahaan gacan ku heynta gobolada dalka Soomaliya, wuxuuna ugu baaqay dadka reer Kismaayo inay isdejiyaan isla markaasna ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee hadda ka howlgala gobolka J/hoose, halka uu dhinaca Al-shabaab-na uu ugu baaqay inay hubka dhigaan, isla markaasna ay dhinac ka raacaan dadkooda.

 
“Qorsheenu waxa weeye inaan dib u heshiisiin rasmi ah ka sameyno gobolada Jubbooyinka, isla markaasna maamul loo dhanyahay loogu sameynlahaa dadka ku nool goboladaasi” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhinaca kale ugu baaqay dagaalyahanada Al-shabaab inay hubka dhigaan oo ay dadkooda Soomaaliyeed ku soo biiraan si colaadda dalka la degtay uu joogsato.

 
Si kasta oo ay ahaataba hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay magaalada Kismaayo isaga baxeen Xarakada Al-shabaab, isla markaasna magaalada aysan weligelin ciidamada huwanta ah ee dagaalka kula jira kuwa Al-shabaab, sidoo kalena wuxuu hadalkiisa ku soo beegmayaa iyadoo dilal dhowr ah ay ka dhaceen gudaha magaalada Kismaayo doraad ka dib ka bixitaankii Xarakada Al-shabaab.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.