Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo kuwa Raaskambooni oo gacan ka helaya kuwa AMISOM inay isku diyaarinayaan inay gudaha u galaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo oo doraad ka baxeen ciidamada Xarkada Al-shabaab.
Sida warku sheegayo ciidamada huwanta ah ayaa sheegay in maanta ay galayaan gudaha magaalada Kismaayo si bey yiraahdeen ay meesha uga saaraan maleeshiyo beeleedyo qabsaday qeybo ka mid ah gudaha magaalada, isla markaasna ay dib u soo celiyaan xasilooni-darro ka jirta gudaha magaalada Kismaayo.
Afhayeenka ciidamada kooxda Raaskambooni C/naasir Seeraar ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada huwanta ay maanta oo Isniin ah gudaha u geli doonaan magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in magaaladaasi ay gaari doonaan dhawaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo kormeer iyo qiimeyn ku sameynaya xaaladda magaalada Kismaayo, isla markaasna maamul KMG ah halkaasi ka soo sameynaya, inkastoo aan la ogeyn in garoonka ay waxyeelo u geysatay duqeyn ay ciidamada Kenya ku garaacayeen muddooyinkii dambe.
Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah u soo dirtay magaalada Kismaayo si ay gudaha ugu galaan magaalada Kismaayo oo ay ciidamadii hore ka baqeen, waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay ku biiri doonaan ciidamada Kenyaanka ah ee hadda ku sugan qeybo ka mid ah gudaha magaalada Kismaayo oo ay sheegeen in maanta ay si buuxda ula wada-wareegi doonaan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.