FAAH FAAHIN KASOO BAXEYSA QARAX KHASAARE GEESTAY OO KA DHACAY DALKA KENYA

xeydar September 30, 2012 Comments Off
FAAH FAAHIN KASOO BAXEYSA QARAX KHASAARE GEESTAY OO KA DHACAY DALKA KENYA

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geestay oo maanta ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dadka kale oo ku sugnaa kaniisada maanta lagu weeraray qaraxa ee ku taalay Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa loola cararay isbitaalka Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa sameeyay howlgalo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay qaraxa lala eegtay kaniisada.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya oo goobta qaraxa uu ka dhacay saxaafada kula hadlay ayaa wuxuu sheegay in qaraxa uu ahaa mid argagixiso ah oo lagu doonaye in lagu waxyeelo dadka kaniisada ku sugnaa.

Taliyaha Booliska Nairobi Mr Moses Ombati ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan cidii ka dambeysay qaraxa.

Macada ilaa hada cida ka dambeysay qaraxa iyo sidoo kale halka ay ubaxsadeen dadkii qaraxa sameeyay hayeeshe saraakiisha ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgalka ammaanka lagu xaqiijinayo.

 

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.