Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Kenya u gudbiyey warqad rasmi ah oo uu kaga dalbaday in la hakiyo qorshe la sheegay inay Kenya gadaal ka riixeyso, sida ay qoreen web site yada qaarkood, arinkan ayaa sheegay sarkaal ka howlgala madaxtooyada oo uusan website-ku magaciisa sheegin.
Warqadan uu diray Madaxweyne Xasan ayaa sida sarkaalku sheegay wuxuu Madaxweynuhu si cad u dalbaday in Kenya aysan faraha la gelin arrimo ku saabsan maamul dhisidda magaalada Kismaayo, isla markaasna keliya ay ku ekaato gacan siinta dowladda Soomaaliyeed iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab, waxayna yiraahdeen “Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in wixii howl maamul dhisid ah ay u taalo dawlada Soomaaliya”.
Warqadan la sheegay inuu diray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo baxday ka dib markii dowladdu ogaatay in magaalada Nairobi laga qabanqaabinayo shir maamul loogu sameynayo deegaanada Jubbooyinka, kaas oo qeyb ka mid ah horay loogu qabtay duleedka magaalada Nairobi, isla markaasna ay ka qeybgaleen saraakiil ka kala socotay dalalka IGAD oo shirkaasi taageerayay.
Sida sarkaalkan uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu cabiray in dowladda ay rabto inay la tashato dadka deegaanka iyo dhammaan qabiilooyinka sidaasi darteedna dowladda ay ka walaacsantahay in qalaanqal uu ka dhasho arrimaha maamul u sameynta Jubbooyinka.
Dhinaca kale Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka beeraha Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay iyadu maamul u sameynayso, isla markaasna ay shir u qaban doonto dhammaan qabaa’ilada dega gobolkaasi si ay iyagu u soo doortaan maamul ay ku mideysanyihiin oo rabitaankooda meesha ku yimaada, isla markaasna aysan dowladdu wax faragelin ah ku heynin.
Dhanka kale xildhibaano iyo odayaal ka mid ah kuwa ka soo jeeda beelaha dega Jubbooyinka qaarkood oo warbaahinta ka hadlay maalmihii u dambeeyaya ayaa ka digay in Kenya ay ku lugyeelato khilaafaad ku saleysan hab beeleed oo u kaaloocda gobolada Jubbooyinka arrintaas oo dowladda Kenya horey uga hadashay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.