Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya xaaladda magaalada Kismaayo iyo xarakada Al-shabaab oo ka baxday magaalada

xeydar September 29, 2012 Comments Off
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya xaaladda magaalada Kismaayo iyo xarakada Al-shabaab oo ka baxday magaalada


Dagaalo iyo duqeymo qaatay saacado badan ayaa shalay iyo xalay ka dhacay xaafadaha iyo gudaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah, waxayna dagaaladu yimaadeen ka dib markii ciidamo badan oo la socday maraakiib dagaal saqdii dhexe ee habeen hore lagu daadiyey xeebta magaalada Kismaayo.
Sida warku sheegayo markii ay ciidamadaasi ka soo degeen xeebta Kismaayo ayaa waxaa bilowday dagaal kedis ah oo aan la fileynin, waxaana ay ciidamada Xarakada Al-shabaab ka horistaageen ciidamadii huwanta ahaa inay gudaha magaalada galaan, waxaana halkaasi la isku weydaarsaday madaafiic iyo rasaas kale, iyadoo dagaalka marnaba qarxayey marna uu istaagayey, waxaana dhinaca kale deegaanka Janaay Cabdalla ka soo dhaqaaqay ciidamadii lugta ahaa ee halkaasi ku sugnaa muddooyinkii dambe, kuwaas oo la sheegay in dagaalo xoogan ay dhexda ku qabsadeen, inkastoo markii dambe ay soo gaareen meel 30-km u jirta magaalada Kismaayo.



Inta la ogyahay dhowr ruux ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo aan la ogeyn inta ay la’egyihiin, waxaana la sheegay in ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalidu ay madaafiic ku garaaceen ka hor intii aysan magaalada si buuxda u wada qabsan, taas oo keentay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka rayid ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in xalay saqdii dhexe ay isaga baxeen magaalada ciidamadii Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo aan la ogeyn halka ay u jiheysteen, waxaana la sheegay inay ku suganyihiin meelo aan si daasi uga fogeyn magaalada Kismaayo.

Sida warku sheegayo gadiid nooca dagaalka iyo ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay la arkayey iyagoo u baxaya dhanka dhulka howdka ah ee galbeedka magaalada Kismaayo, waxaana ilaa hadda la garanayn halka ay qabteen ciidamadaasi.
“Ciidamadoodii iyo gaadiidkii oo dhan way kala baxeen magaalada, waxayna mareen wadada aado dhanka Sacmoojo” ayuu yiri goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo diiday in magaciisa la shaaciyo, wuxuuna intaasi ku daray goob-joogahaasi in ciidamada huwantu ay haatan la wareegeen magaalada, isla markaasna ay si gaar ah ugu suganyihiin xarunta madaxtooyada Kismaayo, garoonka diyaaradaha iyo dekadda magaalada oo la sheegay inay ka sameysteen difaacyo waa weyn.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.