24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya siyaabo kala duwan loogu dilay, kuwaas oo u kala shaqeynayey wakaalad warar iyo website ka hadla arrimaha ciyaara, halka dhinaca kale magaalada Hargeysana lagu xiray iyana labo wariye oo kale, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal lidi ku ah maamulka Somaliland.
Dilka hore ee wariya koowaad ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa, waxaana xaafaddaasi laga helay meydka wariye C/raxmaan Maxamed Cali oo gowracan, kaas oo la soo dhigay wadada laamiga ah ee dhexmarta xaafadda suuqa xoolaha, halkaas oo ay meydkiisa ka qaadeen markii dambe ciidamada dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray.
Sida warku sheegayo wariye C/raxmaan Maxamed Cali ayaa kooxo hubeysan waxay ka qabteen xaafadda suuqa Xoolaha xilli uu qaraabo salaam u aaday dad ay ehel ahaayeen, waxaana la sheegay in meydka wariya ay ka muuqdeen jirdil iyo dhaawacyo kale oo aad u badan, si rasmi ahna looma oga cidda ka dambeysa dilka wariye C/raxmaan oo u shaqeynayey website-ka ciyaarahamaanta.com ee inta badan ka hadla arrimaha Isboortiga, kaas oo aan hadlin wax siyaasad ah.
Dhinaca kale waxaa shalay subax lagu toogtay degmada Dharkeylay ee gobolka Banaadir Wariye lagu magacaabi jiray Axmed C/laahi Fanax, kaas oo u shaqeynayey wakaaladda wararka dalka Yamen ee Saba, waxaana la sheegay in dilka wariyahan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo barkontarool ay ku lahaayeen xaafadda ku xabadeeyay gaari uu saarnaa.
Wariye Fanax ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaastii ay ku fureen ciidamada dowladda Soomaaliya gaarigaasi, waxaana la sheegay in xabad madaxa uga dhacday darteed uu u geeriyooday, wuxuuna dilka labadan wariye uu ku soo aadayaa iyadoo bishan oo keliya lagu dilay magaalada Muqdisho ku dhawaad 10-wariye, kuwaas oo qaarkood ay ku dhinteen qarax ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday guriga hooyooyinka oo fariisin u ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.
Dhanka kale ciidamada sirdoonka maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xiray ku dhawaad shan wariye oo ay ku eedeeyeen inay qoreen warar lid ku ah maamulka Somaliland, waxana labo ka mid ah wariyayaashaasi lagu xiray degmada Saylac ee maamulka Somaliland, sidoo kale mid kale ayaa lagu xiray Burco, halka labo kalena lagu xiray magaalada Hargeysa.
Wariyaha ugu dambeeyay ee ay ciidamada Somaliland xireen ayaa waxa uu u shaqeynayey Wargeys lagu magacaabi Saxafi, waxaana lagu magacaabaa wariyaha la xiray C/fitaax Caydiid, waxaana lagu eedeeyay inuu Wargeyska ku qoray arrimo lid ku ah maamulka Somaliland, isla markaasna uu ka shaqeynayey sida ay ku doodeen ciidanka nabad sugidda Somaliland, iska horkeenidda beelaha dega Somaliland iyo falal kale oo amniga Hargeysa lid ku ah.
Dhinaca kale 15-wariye ayaa shalay mar qur ah lagu xiray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka dib markii maamulka Puntland ay weydiiyeen halka ay u socdaan, kuwaas oo la sheegay inay ku sii jeedeen magaalada Garoowe oo uu simaar ugu furmi lahaa, inkastoo la sii daayey markii dambe wariyaashaasi markii la ogaaday halka ay ku sii jeedeen iyo ujeedada safarkooda
.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.