Laheystayaal u Dhashay Koonfurta Kuuriya oo baaq u diray Dowladda Dalkooda

xeydar September 27, 2012 Comments Off
Laheystayaal u Dhashay Koonfurta Kuuriya oo baaq u diray Dowladda Dalkooda

Ragaan ay Heystaan Kooxaha Burcad Beeda Soomaaliada ah ayaa waxaa ay gaarayaan tiradooda ilaa iyo Afar Ruux waxaa ayna dhalasha ahaan ka soo jeedaalka South Korean.

Waxaana ka sheegay in kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ineey Gacanta ku dhigeen 30-April 2011 oo ka soo qabsaday meel500 km u jirta Biyaha Soomaaliya.

Muuqaal Video ah oo Laga soo duubay Ragaan ayaa muujinaya dhibaatada ka muuqata ragaan ay burcad badeeda ka doonayaan Lacagaha Madaxfurashada ah,

Kooxaha burcad Badeeda soomaalida ah ayaa waxa ay sheegeen ineey ka doonayaan qofkiiba 6-malyan oo Doolar sida ay tilmaameen .

 

Waxaana ay sidoo kale sheegeen in Xaaladdooda Nololeed ay aad u Xuntahay iyagoona sheegay in aysan heysan Caafimaad Cuno iyo Hoy Intaba waxaa sidoo kale ay Hoosta ka xariiqeen in Ragii lala hestay la siidaayay ka dib Markii Lacagaha Madaxfurashada ah laga dhiibay Dadkaas.

Waxaana ay ugu Danbeyntii Baaq u direen Dowlada kuunfuta Kuuriya oo ay Dhalasho ahaaan ay ka soo Jeedan.


C/rashiid C/laahi Xeydar

Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.