Xil. Xusseen Bantu “qabsashada Kismaayo waa ay la soo daaheen AMISOM” Wareysi.

xeydar September 26, 2012 Comments Off
Xil. Xusseen Bantu “qabsashada Kismaayo waa ay la soo daaheen AMISOM” Wareysi.

Xildhibaan Xuseen Maxamud Muuse Bantu oo wareysi siiyay BBC ayaa ku eedeeyay Ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya in ay la soo daaheen qabsashada magaalo xeebeedka Kismaayo.

Xuseen Bantu ” waxa lagu dul dagaalamayo waa shacabka Gobolka oo aad ugu dhibaateysan mudo sanad ka badan in ay ciidamada Kenya iyo Dowlada ay ku dhex or’ordayaan agagaarka Kismaayo soona af jari waayaan dagaalada ayaan la yaabanahay” sidaana waxaa yiri Mr.Bantu.

Mar wax laga weydiiyay in uu wax ka og yahay qorshaha Dowlada ay ka damacsan tahay gobolka uu ka soo jeedo Xuseen Bantu.

” Haa waa ay jirtaa in aan xiriiro badan la saneeyay mas’uuliyiinta AMISOM iyo hogaanka ciidamada, waxayna leeyihiin waan soo afjareynaa goor dhaw balse ma haayo wax in taa ka dheer oo macluumaad qabsashada Kismaayo” ayuu yiri Bantu.

Sidoo kale waxaa la weydiiyay su’aal ku aadan in dhalinyarada deegaanka ku xeeran Kismaayo la hubeeyay. waxa uu ka yiri

“Majirto wax shacab deegaan ka oo la hubeeyay balse waxaa jirta in ay dadku barakacayaan oo ay cabsi la soo gudboonaatay”.ayuu raaciyay Mr. Bantu.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Xuseen Maxamud Muuse (Bantu) ayaa ugu baaqay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay u kala bax sanaadaan Shacabka rayidka ah iyo kuwa ka soo horjeeda, ayna soo dadajiyaan howlgal kooda ay ka wadaan gobolada Jubooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.