Wararka naga soo gaaraya duleedka magaaladda Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu galabta ka dhacay dagaal gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkan ayaa waxaa uu udhaxeeyay maleeshiyo katirsan dadka deegaanka iyo xooggaga Shabaab ee gacanta kuhaya qeybo kamid ah magaaladda Jowhar ee xarunta Sh/Dhexe.
Dad goob joogayaal ah ayaa Jiinwabi.net usheegay in dagaalkaas uu ka danbeeyay kadib markii Shabaab ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadka hubaysan oo is aruursanayay Tuulada Maandheere.
Afar kamid ah dhinacyada dagaalantay ayaa dhimatay kuwa kalana dhaawac ayaa soo gaaray sida ay dadka deegaanka sheegeen.
Dagaalka maanta ayaa qal qal ku abuuray xaaladda magaaladda Jowhar oo maalmahan niyada ku hayay in ay weerar kusoo yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom, hase ahaatee ciidamadaas ayaanan wax lug ah ku lahayn dagaalkii maanta.
Shabaab war kama aysan soo saarin dagaalka, waxaana uu kusoo aadayaa xili ciidamada dowlada ay wax kayar 20 KM ujiraan magaaladda Jowhar.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.