Daawo Sawirada Guushii Labaad ee uu Ciyaaraha Olompicada ka Gaaray Maxamed Faarax

jiinka August 14, 2012 Comments Off
Daawo Sawirada Guushii Labaad ee uu Ciyaaraha Olompicada ka Gaaray Maxamed Faarax

London ( JWN-News ):- Orodyahanka reer Ingiriis ee asal ahaan kasoo jeeda dalkeena Soomaaliya Maxamed Faarax oo loo yaqaan Mo Faarax ayaa caawa mar kale ku guulaystay orodka 5,000-meter oo uu magaalada London uga qayb galay ciyaaraha Olompicada.

Waa guushii labaad ee uu gaaray Maxamed Faarax horay ayaa waxa uu ugu guulaystay tartanka 10,000-meter oo uu horay usoo orday kana mid ahaa Ciyaaraha Olompicada.

Maxamed Faarax oo markii hore si rucle ah u ordaayey kaalimaha hore, dhexe iyo dambena kaga jiray tartanka ayaa markii lasoo gaaray qaybtii ugu dambeysay waxa uu muujiyey wacdaro la yaab sidaasi ayuuna ku qaaday orordka 5,000-meter.

Orodyahan Mo Faarax ayaa markii uu ogaaday in uu guulaystay waxa uu isku tuuray garoonka, waxaana uu u mahadceliyey Allaha weyn ee guusha siiyey, kadibna waa uu sujuuday.

Maxamed Faarax waxa uu caawa dhigay Score aan horay loo dhigin, waxaana uu sugaayaa ciddii jebin lahayd, maadaama uu hal xilliyaareed isla qaaday orodka dheer ee 10,000-meter iyo kan 5,000-meter oo uu caawa qaaday.

 

Comments are closed.