Soomaaliya oo ka badisay Sudan

xeydar September 22, 2012 Comments Off
Soomaaliya oo ka badisay Sudan

Xulka qaranka kubbadda cagta Soomaaliya ee ay da’doodu ka yar tahay 17-ka sano ayaa galabta hal gool iyo waxba uga badiyay xulka cayaartoyda ku da’da ah ee dalka Suudaan, oo ay isku arkeen Khartoum kulan ka tirsanaa is-reebreebka qaramada Afrika ee sanadka 2013 lagu qaban doono dalka Morocco.
Qaybtii labaad ee cayaarta ayaa Soomaaliya waxaa goolka guusha u dhaliyay Maxamuud Cabdiraxmaan Meyma oo nambarka toddobaad xirta, kadib markii uu baas qurux badan ka helay Saadaq Balotelli oo weerarka ka cayaara.
Cayaarta waxay ahayd hal lug. Xulka Soomaaliya wuxuu soo bandhigay cayaar wanaag.
Goolhayaha koowaad ee xulka qaranka Soomaaliya, ahna kabtanka labaad ee Axmed Cabdalla ayaa Jiinwabi.net u sheegay cayaarta kaddib in ay dadaal dheer oo ay sameeyeen uu horseeday guusha.
Maxamuud Meyma ayaa isagana uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed dhiirrigelinta ay u sameeyeen, wuxuuna xusay inuusan qiyaasi karin sida uu ugu faraxsan yahay guusha taariikhiga ah ee uu xulka Soomaaliya gaaray.
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu la cayaaro xulka ku da’da ee dalka Algeria.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.