Guddiga ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa kulan degdeg oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen shalay iyo xalay waxay ku go’aamiyeen in baaritaan iyo howlo lagu sugayo ammaanka ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho oo ammaankeeda uu sii xumaanayo, waxaana xalay lagu daadiyey qaar ka mid xaafadaha magaalada Muqdisho ciidamo, kuwaas oo baritaano kala duwan ku sameynayay gadiidka iyo dadka saaran iyo kuwa lugeynayay intaba.
Ciidamada wadooyinka lagu arkayey oo qaar ka mid wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa howlgalkooda bilaabay wixii ka dambeeyay salaadii maqrib ee xalay, waxaana goobha ay xoogga saarayeen ka mid ahaa isgoysyada magaalada Muqdisho halkaasi oo si weyn loogu baarayey gaadidka iyo dadka inataba.
Ciidammada howlgaladaasi waday ayaa ka kooban ciidammada meletriga, ciidamada Booliska iyo ciidamada Nabad Sugidda, lamana oga illaa hadda in howgalkaasi dad ku qabqabteen iyo in kale, waxayse baaritaano xoogan ka sameeyeen xaafdihii iyo wadooyinkii ay ku sugnaayeen.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.