Madaxweynaha Soomaaliya oo codsi gaar ah u diray Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya

xeydar September 22, 2012 Comments Off
Madaxweynaha Soomaaliya oo codsi gaar ah u diray Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya

Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shalay si rasmi ah loogu dhaariyey xafiiska Ra’isul wasaarenimada dalkaasi ka dib markii uu ka geeriyooday xilkaasi Ra’isul wasaarihii hore ee Itoobiya Melez Zenawi, wuxuuna dhaarta ka dib sheegay Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya in Soomaaliya ay sii joogayaan ciidamadooda, isla markaasna ay ula shaqeyn doonaan sidii ay ula shaqeyn jiray kii hore.

Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya waxa uu ballanqaaday inuu taageerayo sida uu yiri xasilinta geeska Afrika, gaar ahaan uu lug weyn ku yeelan doono arrimaha Soomaaliya, dowladda cusub ee u dhalatayna uu ka taageeri doono dhan kasta, wuxuuna intaasi ku daray in ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ay ku xirantahay codsi uga yimaada dowladda cusub ee Soomaaliya, balse aysan si kale uga bixi doonin sida uu yiri.

Sida warku sheegayo taliyaasha ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa amar ka sugaya Ra’isul wasaraha cusub ee Itoobiya kaas oo ay ku bilaabayaan dagaaladii ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, isla mrkaasna madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu si gaar ah uga codsaday Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya inay ciidamadiisu sii wadaan dagaalkii ay kula jireen Xarakada Al-shabaab, kaas oo uu sheegay inuu istaagay markii uu geeriyooday Ra’isul wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanaawi.

Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa ka qeybgalay caleemo saarkii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaaraha Itoobiya yeesheen kulan gaar ahaa oo ay uga wadahadleen sii wadidda xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii ay u sii joogi-lahaayeen ciidamada Itoobiya gudaha Soomaaliya, waxaana meesha ka baxday fir ay dad badan aaminsanaayeen oo ahaa in ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya ka dib geeridii Meles Zenawi oo Itoobiya gacan bir ah ku hayey.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.