Wararka naga soo gaaaya Isbitaalka Madiina oo ah Halka la gaarsiiyay dhaawacyada qaar kamid ah Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Degmada Xamarweyne ayaa sheegay in ay sii kordheen .
Wariyaasha kala ah Liibaan Cali Nuur ,Csataar Daahir Sabriye,Craxmaan Yaasiin oo dhamaan Isbitaalka Madiina loo geeyay dhaawac ahaan ayaa waxaa la sheegayaa in haatan ay Geeriyoodeen .
Wariyaashan oo dhamaan ka howlgalayay Magaalada Muqdisho kana kala tirsana Warbaahinta Qaar ka mid ah Muqdisho iyo Idaacadda VOD-Radio Xamar Agaasimaheeda ayaa la xaqiijiyay in uu ku Geeridooda .
C/raxmaan Yaasiin waxaa uu ahaa Agaasimaha Idaacadda VOD-Rasdio Xamar halka Liibaan Cali Nuur iyo ,C/sataar Daahir Sabriye ay iyaana ka mid ahaayeen Shaqaalaha Radio-Muqdisho waxaana Wariyaashan ay u geeriyoodeen Dhaawac ka soo gaaray Qarax ka dhacay Agaarga Aqalka Hooyinka .
Qaraxa ayaa la Xaqiijiyay in uu ahaa mid Ismiidaamin ay oo ay geysteen Laba Ruux isku soo rakibay wax yaabaha Qarxa sida uu Jiinwabi.net u Xaqiijiyay Maxamed Daahir Taliyaha Degmada Xamerweyne ee Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay ku dhinteen Qaraxa 14 Ruux kuwaasi oo isugu jira Wariyaal iyo Dad Shacab ah tira intaasi ka badanna ay dhawaac kasoo gaareen.
waxaa ku Geeriyooday saddex Wariye
1 C/sataar Daahir Sabriye Madaxa wararka TV qaranka
2 Liibaan Cali Nuur Madaxa wararka Radio Muqdisho
3 Cabdiraxmaan Yaasiin cali Agaasimaha VOD
Wariyeyaasha ku dhaawacmay qaraxa waa Todobo wariye
1 Maxamed ibraahim cabdulle Biibaaye wariyaha Isoobtiga radio Muqdisho
2 Maxamed huseen Gentelman radio Muqdisho
3 C/laahi Maxamed Cali Suldaan report radio Kulmiye lug ayuu ka gabay
4 Nuure maxamed cali report radio Kulmiye sanka ayuu ka dhawacmay
5 Cabdirisaaq faarax maxamed shine kulniye report
6 Guutaale VOD radio
7 Yuusuf axamed abuuka keynaan Kulmiye radio dhaabab fudud
Halka uu qaraxa ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamada dowladda kuwaasi oo halkaasi ka wada baaritaanno la xiriira qaraxa iyo sabaha dhaliyay
Qaraxan ayaa yimid iyadoo Xalay Magaalada Muqdisho Degmooyin ka tirsan lagu Garaacay Madaafiic kuwaasi oo ay Shacab badani ay wax kasoo Gaareen
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.