Saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay qarka u saaranyihiin sida ay yiraahdeen magaalo xeebeedda Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, hakaas oo ay kumannaan qof oo ku noolaa ka barakacayaan.
Ciidamada Kenya ayaa waxay sanadkan billowgiisii ku biireen ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka caawinaya dagaalada ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo ciidamada Kenya ay tan iyo markii ay soohdinta ka soo tallaabeen ku haminayey inay qabsadaan Kismaayo, balse ay u suurageli weysay, waxaana haatan sanad ku dhow markii ay Soomaaliya duulaanka ku soo galeen.
“Al-shabaab waxay ku jirtaa marxaladdii ugu dambeysay ee ay uga baxayeen magaalada Kismaayo” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Kenya Cyrus Oguna oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi, isagoo intaasi ku daray in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku suganyihiin deegaanka Janaay-Cabdalla oo Kismaayo kaga beegan dhinaca waqooyi-galbeed.
Maraakiib dagaalka ee Kenya ayuu sheegay in sidoo kale ay ku suganyihiin xeebta magaaladaasi oo saaran badweynta Hindiya, iyadoo Qaramada Midoobay horay u sheegtay inay Kismaayo ku noolyihiin 193,000 oo qof “Weerarada lagu qaadayo Kismaayo waa kuwo dhinaca cirka, badda iyo dhulkaba ka socda, ma sheegin karo xilli go’an oo aan Kismaayo ku galeyno, balse waxaan sheegi karaan oo keliya inay dhow dahay la wareegisteena magaalada Kismaayo” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Kenya.
Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay isaga baxayaan Kismaayo, iyadoo aan la maqlin tan iyo xalay idaacaddii ku hadli jirtay afkooda ee Andulus, taasoo baahin jirtay wararka ku saabsan Al-shabaab iyo dagaallada ay kula jirto ciidamade Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
“Culeyska saaran waxaa lagu garan karaan iyagoo dembiyey idaacaddii afkooda ku hadli jirtay ee Andulus” ayuu yiri Oguna oo hadalkiisa daba-dhigay “Al-shabaab waxay sameynayeen wax walba oo ay awoodaan si ay ciidamadeeda uga hortagaan, xittaa waxyaabaha qarxa ayey waddooyinka ku aaseen, laakiin taasi ma noqon wax na celiya, iyadoo ay xusid mudantahay in dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Kismaayo laga soo xigtay in mararka qaarkood laga maqlayo degmadaasi qaraxyo waa weyn oo aan la garaneyn halka ay ka dhacayaan, balse afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage {Sheekh Cali dheere} ayaa sheegay in xoogaggoodu ay jabiyeen kuwii dowladda Soomaaliya iyo Kenya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.