Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warkii sheegayey in Sheekh Shariif uu ka dambeeyay qarixii Hotel Jaziira

xeydar September 19, 2012 Comments Off
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warkii sheegayey in Sheekh Shariif uu ka dambeeyay qarixii Hotel Jaziira

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Prof. Sam Ongeri ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi waxa uu ku beeniyay war uu qoray Wargeyska The Daily Nation oo soo xigaanayey isaga qushiisa kaas oo sheegay qarixii arbacadii hore ka dhacay hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho oo uu deganaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu ka dambeeyay Madaxweynihii hore ee dowladda KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.

Mr. Ongeri ayaa warkaas ku tilmaamay mid lagu dhibaateynayo xiriirka labada dal, isla markaasna uusan waxba ka jirin “Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu ahaa geesi maxaa yeelay si sharaf ayuu xilka u wareejiyay markii laga guuleystay, sidee ayaan u dhihi karaa qof noo soo gurmaday inuu ka dambeeyay qaraxyada, marka waa war aan loo meeldayin oo ah mid xaqiiqda ka fog” ayuu yiri Mr. Ongari oo Madaxweynihii hore iyo kan ee Soomaaliya ka dalbaday inay ka raali-noqdaan warkaasi been abuurka ah.

“Shariif Sheekh Axmed markii uu qaraxa dhacay wuu noo yimid waxaana uu noo mujuujiyey sida uu uga xunyahay, marka sidee ayaan u dhihi karaa isaga ayaa ka dambeeya markaas warkan ma ahan mid sax ah, sida aad la socotaan Kenya waxay aheyd dalkii ugu horeeyay ee wafuud caalami ah u soo dirtay Muqdisho markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Ongari.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya ka hor intii uusan beeninin, wuxuuna sheegay Sheekh Shariif oo jir jaraa’id ku qabtay Muqdisho inuu yahay warkaas mid dhaawici kara xiriirka labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna xusay inaysan ka suuroobin inuu maleego shirqool lagu dilayo madaxda qaranka amaba qof Soomaali ah, sharafkiisana uu meel uga dhacay wasiirka Kenya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.