Maxamed Cabdi Yuusuf {Gaagaab} oo horay uga soo noqday maamulka Puntland Madaxweyne ku xigeen iyo wasiirkii Maaliyadda ee maamulkii Gen. Cadde Muuse Xirsi oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan magaalada Dubai ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud {Faroole} oo uu ku eedeeyay inuu xukunka xoog kuheysto, isla markaasna uu ka baqayo inuu doorasho galo.
Mr. Gaagaab isagoo ka hadlayey xaaladda Puntland wuxuu sheegay inay ka jiraan xaalado adag oo aan horay u soo marin sida dilal qorshaysan, dhaqaale xumo, midnimadii oo burburtay iyo shaqo xumo xagga maamulka ah, wuxuuna ku eedeeyay maamulka Faroole inuu canshuurtii kor u qaaday, ayna miisaniyaddii dowladda gaarsiiyeen isaga iyo ragga la shaqeeyaba 97-bilyan, taas oo dhaxal siisay buu yiri maamulka dhaqaale burbur, danyartii oo gadanweyday maciishadda iyo inay ganacsatadii ka guuraan deegaanada Puntland, ayna raadsanaan meel ka canshuur jaban sida magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera oo ay alaabooyinkooda kala soo degaan.
Madaxweune ku xigeenkii hore ee Puntland Mr. Gaagaab ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole inuu walaaqayo oo uu qas iyi jahwareerin ku hayo arrimaha dalka Soomaaliya, isla markaasna meeshii uusan tali ku laheyn ku tilmaamaya wax aan jirin, dadka go’aanka gaarayna ay yihiin dad aan waxba kala aqoon xittaa haddii ay yihiin madaxda dowladda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay inuu warka noocaasi oo kale ah ka waantoobo.
Mr. Gaagaab wuxuu cadeeyay sida uu uga xunyahay in beelihii ku heshiiyey dhismaha Puntland qaarkood maamulo kale ku dhawaaqaan, wuxuuna xusay sababta keentay in maamuladaas lagu dhawaaqaa ay tahay maamulka Faroole oo uu sheegay inuu ku fashilmay inuu fuliyo waajibaadkii loo igmaday, ayna qeyb ka tahay tabar darida Xukuumadda iyo sida aysan xiriir ula laheyn dadweynaha, wuxuuna yiri “Haddii Xukuumaddii laga waayey wixii laga sugayey dhinac dhaqaale, dhinac siyaasadeed ama dhinac horumarineed waxay kalifeysaa in dadweynihii tashado”.
Mar uu ka hadlayey nidaamka xisbiyadda badan ee Puntland ayaa wuxuu sheegay in dastuur walba ay ku qorneyd ayna tahay wax loo baahanyahay oo fiican, laakiinse wuxuu yiri iskama imaan karto haddii aan loo howlgelin waa nidaam u baahan biseyl iyo qanac, waa nidaam u baahan dhaqaale ma ahan iska dheh xisbiyo baan furayaa, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in Xukuumaddii markii wakhtigeedii dhamaaday oo 3-bilood keliya u harsantahay inay tiraahdo xisbiyo baan furaynaa isagoo yiri waa nacasnimo lagu qarinayo in lagu xalaaleysto muddo kordhinta.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.