Wararka naga soo gaaraaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu markale shalay ka dhacay isla degaanadii uu doraad ka dhacay dagaalka aadka u cuslaa kaas oo dadka ku dhintay ay kor u dhaafayaan 50-ruux dhimasho ah iyo 60-dhaawac ah.
Sida warku sheegayo dagaalkii shalay ayaa bilowday ka dib markii ciidamada huwantu isku dayeen inay horey ugu dhaqaaqaan jihada magaalada Kismaayo ka xigto, balse isla markiiba uu dagaal qabsaday ayaa waxaa la sheegay in dagaal muddo kooban socday uu halkaasi ku dhexmaray labadii dhinac ee dagaalantay, waxaana la sheegay in markale la isku farasaaray deegaanada Harboole, Biibi iyo Birta Dheer ee gobolkaas kuwaas oo ay horey u sheegeen ciidamada huwantu inay iyagu la wareegeen oo ay gadaal marsadeen isla markaasna ay ku jiheysanyihiin magaalada Kismaayo, waxayna saraakiil u hadashay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku doodeen inay jabiyeen difaacii ugu dambeeyay ee ciidamada Xarakada Al-shabaab ee laga difaacayey magaalada Kismaayo, waxayna intaasi ku dareen in hadda ay ogaadeen in Al-shabaab ay magaalada isaga baxeen oo ay agabkoodii ka qaateen sida ay yiraahdeen.
War kaas aad uga fog ayaa isana ka soo baxay Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay dagaalkii shalay ay guul weyn ka gaareen ayna ku soo rideen diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Kenya, waxayna intaasi ku dareen in dersin ciidamada Kenya ah ay meydadkoodii yaalaan goobihii dagaalku ka dhacay isla mrkaasna ay beentahay sida ay yiraahdeen inay magaalada Kismaayo gacantooda ka baxaday wararka sheegaya arrintaasina ay yihiin kuwo ka yimid dhinaca Kenya oo dooneysa in afka kaliya ku dagaalnto.
Dhinaca kale sarkiil u hadashay dowladda Kenya ayaa sheegay inay been tahay sida ay ku doodeen in dagaalkii shalay ka dhacay J/hoose looga soo riday diayaarad nooca dagaalka ah oo dagaalka ka qeybqaadaneysay, waxayna intaasi ku dareen in Al-shabaab laga rabo inay soo bandhigto burburka diyaaraddaasi haddii ay heyso cadeymo buuxa oo ku saabsan diyaaraddaasi ay sheegeen inay soo rideen.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.