Jimciyadda Samafalka AL Wafa oo biyo dhaamin ka sameysay gobalka Bay ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya

jiinka February 24, 2017 Comments Off
Jimciyadda Samafalka AL Wafa oo biyo dhaamin ka sameysay gobalka Bay ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya


Jimciyadda Samafalka AL Wafa oo kamid ah hey’addaha samafalka dalka Soomaaliya oo ka jawaab celineysa cawashada ka soo yeertay shacabka Soomaaliyeed ay abaaraha halakeeyeen ayaa  deeq  biyo ah gaarsiisay 3-goobood oo ka tirsan deegaano hoostaga gobolka Bay  oo ay biyo dhaamin u sameeyeen tuulooyin ku xeeran agagaarka magaaladda Beydhabo sida tuulooyinka Reebay, Aabaraka iyo Iidlow oo 30 km ujirta magaaladda Baydhaba oo ah  xarunta dowladda gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Jimciyadda Samafalka AL Wafa oo kaashaneysa muxsiniin Soomaaliyeed oo kamid ah jaaliyadda Saudi Arabia gaar ahaan Walaalaha Suuqa Suxeyfa Mool ee magaaladda Jiddah oo soo wakiishay mas’uuliyiinta kala ah Mudane Aba-Aweys Maxamed Sheegow iyo Guddoomiyahay Jimciyadda Samafalka AL Wafa Mudane  Ibraahim Cali Yaroow ayaa gacan weyn ka geystay taaba gelinta biyo waraabinta dadka Abaaraha ku saamoobay.

Biyo dhaaminta ay sameysay  Jimciyadda Samafalka AL Wafa waxaa ka faa’ideystay 700 qoys oo ku sugnaa tuulooyinka la gaarsiiyay biyaha, qaar ka mid ah dadka la siiyay biyaha ayaa u mahad celiyay deeq bixiyeyaasha waxayna  sheegeen in ay aad ugu farxeen biyo dhaaminta ka soo gaartay walaalaha Suxeyfa Mool  iyo Jimciyadda Samafalka AL Wafa.

Ugu dambeentii mas’uuliyiinta tuulooyinkaas waxay ka codsadeen Jimciyadda Samafalka AL Wafa in lagu soo celiyo biyo dhaamin kale taas oo ay ku micneeyeen inay wali ku filneyn biyaha la soo gaarsiiyay, ayna jiraan tuulooyinkan iyo tuulooyin kale oo baahi weyn u qaba in ay helaan  biyo iyo cunto gargaar deg deg ah

Jimciyadda Samafalka AL Wafa biyo dhaaminta ay  ka geesatay gobalka Bay ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku soo idlaaday jawi farxadeed iyo codsi ay soo direen bulshada ku dhaqan deegaanada la gaarsiiyay  biyo dhaaminta

Comments are closed.