Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya, dacwadna u gudbisay

xeydar September 18, 2012 Comments Off
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya, dacwadna u gudbisay

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal shalay ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo sheegay in qarixii ka dhacay Hotelka Jazeera uu ka dambeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxayna dowladda Soomaaliya sheegtay in warkaasi uu yahay mid uu ujeedo gaar ah ka leeyahay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, isla markaasna lagu qarinayo qaladaadkii ay Kenya ka gashay Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ahna Ra’isul wasaare ku xigeen Xuseen Carab Ciise ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya Sam Ongeri oo sheegay in qarixii ismiidaaminta uu ka dambeeyay madaxweynihii hore Sheekh Shariif inuu ahaa hadal lagu yaqyaqsoodo oo meel ka dhac ku ah dimblumaasiyada, wuxuuna xusay in wasiirka Kenya uu yahay shaqsi siyaasadda ku kufay mar haddii ay ka soo yeereen hadalo iska horkeen ah.

“Wasiirka arrimaha dibadda Kenya hadalka ka soo yeeray waa hadal meel ka dhac ku ah dhaqanka diblumaasiyadda, ujeedada uu ka lahaana waxay aheyd inuu Soomaalida isku diro” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise, wuxuuna intaas ku daray sababta uu ku maagay wasiirka Madaxweyne Sheekh Shariif inay tahay in Madaxweynuhu marar badan uu gaashaanka u daruuray inuu saxiixo duulaanka Kismaayo ee ay horkacayaan ciidamada Kenya iyo ciidamo beeleeedyo, wuxuuna aaminsanaa Madaxweynaha in weerarka Kismaayo ay ka qeybqaataan ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo aan la gelin Kismaayo ciidamo shaati beeleed sita, hadalkaas oo ay Kenya si weyn u dhibsatay”.

“Sheekh Shariif wuxuu ahaa mas’uul ka soo horjeeday in Kenya ay la wareegto Kismaayo, wuxuuna aaminsanaa in ciidan Soomaaliyeed ay magaaladaasi la wareegaan, Kenya raali kamna aheyn inuu xukunka ku soo laabto, waayo wuxuu ka horyimid qorshahoodii, waana qorshaha hadda socda sidaas daraadeed mas’uulka cusub ee madaxweynenimada Soomaaliya la wareegay inuu yiraah ciidan Soomaaliyeed waa inay magaaladaasi galaan” ayuu yiri Xuseen Ciise Carab, wuxuuna u soo jeediyey dowladda Kenya in ay raaligelin ka bixiso hadalada gefka & ihaanada ah ee uu geystay wasiirka arrimaha.

Dhinaca kale danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay in markii uu warkaas oo baxay shalay wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay isla markiiba xiriir la sameeyeen dowladda Kenya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, wuxuuna sheegay in wasiirka in maanta oo tallaado ah uu shir jaraa’id ku qaban doono Nairobi, isagaoona ka halaya warka cusub ee uu sheegay inuu yahay sax iyo in kale, isla markaasna dacwad u gudbiyey dowladda Kenya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.