Carruur agoon ah oo ku nool Gobolka Banaadir oo loo qeybiyay dhar ciid (Sawiro)

jiinka July 3, 2016 Comments Off
Carruur agoon ah oo ku nool Gobolka Banaadir oo loo qeybiyay dhar ciid (Sawiro)

 Caruur agoon ah oo ku nool xaafadaha ay ka kooban tahay Gobalka Banaadir ayaa loo qeybiyay dhar ay ku ciidaan si ay uga qeyb qaataan farxada munaasabada Ciidul fitriga oo fooda nagusoo heysa.

Deeqdan dharka ah ayaa lagu soo iibiiyay lacag uu ugu deeqay muwaadin dalka Baxreen u dhashay  oo lagu magacaabo Cusmaan Aalla Maxamud  iyadoo ay tahay tii ugu horeysay ee deeq noocan oo kale ah  ay qaar ka mid ah agoonta ay heyso Munazzamat Al- Dawa Al- Islamiyya Xafiiska Muqdisho uu soo gaarsiiyo mucaawanadan.

Carruurtan agoonta ah ee maanta  loo qaybiyey dhar ay  ku ciidaan oo isugu jiray gabdho iyo wiilal ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay farxad iyo reynreyn, waxayna ehelada carruurta  ka mahadceliyeen deeqda dharka ah ee la soo gaarsiiyay, iyagoo ka codsaday Munazzamat Al- Dawa Al- Islamiyya -Xafiiska Muqdisho inay kaalmeeyaan agoonta iyo dadka danyarta ah.

Munazzamat Al- Dawa Al- Islamiyya Agaasimaha Xafiiska Muqdisho md: Sayid Cali Xuseen Macalin ayaa sheegay  in Alle ajar iyo xasanaad uu ka helayo qofkii u gargaara agoonta waxana uu ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Deeq Bixiyaha Cusmaan Alla Maxamud inay tahay mid ku dayasho leh, waxana uu ugu duceeyay in Alle ajar iyo xasanaad ka siiyo.

 

Comments are closed.