mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Munazzamat Al- Dawa Al- Islamiyya ayaa ka qeyb galey Qaybin afur oo la siinaayay boqollaal qoysas danyar ah.
Qaybinta Afurka oo lagu qabtay Mujamac Waxbarashada ee Dooxa ayaa lagu qaybiyay Afur ay soo baxsadeen Samafalayaal u dhashay Dowladda Baxreyn kaasoo ay ugu talagaleen iney ku afuriyaan ilaa 500 oo qoys danyar ah inta ay socoto bisha barakeysan ee Ramadan.
Masuul u hadley Xafiiska Munazzamat Al- Dawa Al- Islamiyya ee Muqdisho oo afurinta u sameysay dadkan danyarta ah ayaa sheegay in hey’addu ay bilowday qorshe ay ku afurineyso Afurinta Qoysaska Danta yar ,waxayna qaybta koowaad ku bilowday Tiro qoys gaaraya ilaa 500 oo qoys oo danyar ah inta ay socoto bisha barakeysan ee Ramadan isagoo intaa ku daray in dadkaasi ay heli doonaan habeen kasta cunto Afur ah oo ku filan.
Comments are closed.