Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Sam Ongeri ayaa markii u horeysay waxa uu ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotelka Al-jazeera ee magaalada Muqdisho 12-kii bishan oo lagu qaaday Hotel uu deganaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo uu shir kula lahaa isaga iyo wafdi la socday ay ahayd mid uu wax ka ogaa Madaxweynihii xilka ka degay ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed.
Wargeyska Daily Nation ayaa ka qorey warbixin dheer shir saxaafadeed wasiirku qabtay, wuxuuna wasiirku sheegay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ka hor uu Sheekh Shariif ila soo hadlay aniga ka shaqsi ahaan muddo hal saac iyo bar ah ila hadlayey, isla markaana uu iga dalbaday inay ku taageeraan in marlabaad la soo doorto, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Waxaan u sheegay inaysan suurtagal aheyn in aanu garab istaagno mid ka mid ah musharixiinta haddii aan Kenya nahay, waxaan doonaynaa doorasho xalaal ah inay Soomaaliya ka dhacdo 22-sano ka dib”.
Wasiirka ayaa yiri waxaa la yaab igu noqotay markii qaraxu dhacay wax yar ka dib inaan Hotelka dhexdiisa ku arkay Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed oo hotelka dhextaagan kaas oo aan u muuqan mid ay saameyn ku yeelatay waxa meesha ka dhacay, wuxuuna markale yiri “Xittaa haddii Al-shabaab ay sheegteen mas’uuliyadda qaraxa, ma garan karo in ay tahay dhacdo ka timid Sheekh Shariif, wax yar ka dib oo neef naga soo baxday waxaa qolka nagu sugayey bom qarax loo diyaarshay oo aan qarixin, balse ay ciidamadu gacanta ku dhigeen”.
“Waxaan aaminsahay in saacadihii aan dib uga dhacnay tagidda Muqdisho ay aheyd mid Ilaah ka dambeeyay taas oo la xiriirtay nabadgelyadayada, mana jirin macluumaad macne leh oo ku saabsan amniga saacadihii hore ee maalintaas, waxaana rajeyneynay inaan tagi doono caasimadda Soomaaliya oo nabad ah oo degan, balse taasi ma dhicinm markii aan tagnay magaalaada Muqdisho saacaduna ahayd 1:00-pm iyagoo daahsanaa muddo seddex saacadood ah, waxaan xaawilnay ama isku daynay inaan raacno gawaarida caadiga ah ee madaxda, maadaama xaaladdu degantahay, laakiin ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafula Wamunyinyi iyo General Karanja ayaa ka soo horjeestey arrintaas oo nagu qaaday baabuurta AMISOM” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Kenya.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsadey in Hotelka al-jazeera oo ahaa goob cusub oo dhisme weli ku socda in loogu sii qariyey gawaardia qaraxu ka dhasheysida uu yiri, mana cadda in wasiirku uu ka hadlayo nafsaddiisa iyo inuu ku hadlayo magaca dowladda Kenya, waxaana inta badan uu hadalkiisa u isticmaalay mid shakhsiyadeed, waxayna arrintani ku soo aadeysaa iyadoo dalka Kenya aysan ka soo qeybgelin caleema-saarkii Madaxweynaha cusub.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.