Munazzamat Al- Dawa Al- Islamiyya ee Xafiiska Muqdishu ayaa Afur qeybin u sameeyay dadweyne ku nool qaar ka mid ah Kaamamka Barakacayaasha ee degmooyinka Gobalka Banaadir.
Afurkan ayaa waxaa soo baxsaday Deeq bixiyaal ka tirsan Dowladda Qadar , qeybinta Afurinta ayaa waxaa loo sameeyay dadka danyar oo ku nool kaamamka qaxootiayada muqdisho , mudane Sayid Cali Xuseen Macalin ayaana kormeeray Goobta uu ka Socday qeybinta cuntada, isagoo Warbaahinta u sheegay in ka badan 800 qoys oo dan yar ah ay u sameyeen afurin bishan Barakeysan ee Ramadaan.
Qaar ka mid ah Dadka danta yar ee Afurintan ka faa’iideystay ayaa uga mahadceliyay sida ay la soo gareen afurinta Munazamat al-dawa al-islamiyya.
Muzzamat Al- Dawa Al- Islamiyya Xafiiska Muqdisho oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Hay’adda ee Xafiiska Muqdisho md: Sayid Cali Xuseen Macalin ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii dadka danyarta ah loo caawin lahaa.
Comments are closed.