Waxaynu ognahay in dalka Soomaaliya uu galay marxalad cusub oo adag, iyadoon aan la isku haleyn karin mamulada kajira maanta dalkeena, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo damacooda fog.
Maamulada isdaba maray ee dalka ayaa dumiyay wixii xoriyadd ahaa ee uu Muwaadinka xaq u lahaa, iyadoo aad la kulmeyso xarig, handadaad iyo Dilba hadii aad runta ka hadasho, waxaa la yaab iyo amakaag ah in ruux ku takri falay hantidii shacabka, hadana isaga dadka waaninaaya, taasi oo ka dhiganta aniga wax alla waxaan doono ayaan sameyn karaa, cidna ilama xisaabtami karto.
Waxaan haynaa cadeymo fara badan oo ah in gudoomiyihii hore Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “TARZAN” uu ku takri falay hantidii shacabka, gaar ahaan Jardiinadii FOLORENCA, uuna ku saxiixan yahay bixinta Jardiinadaas oo loo rogay GURI shacab ah, hadana sameystay xisbi lamagac baxay Nabadda iyo Caddaaladda, islamarkaana ku dhaleeceynaya dowladdii isaga bedeshay inay bixineyso Jardiinooyinkii magaalada Muqdisho.
Tolow yaa soo celin doona Jardiinooyinkii uu bixiyay Tarzan ee uu godobta uga galay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadweynaha reer Muqdisho.? mise arintu waxay tahay aan dhaleeceeyo cida i bedeshay.
Majirto cid bixin karta Jardiinooyinka magaalada, maxaa yeelay waa hantida shacabka, arintaasna waxayna ka dhigan tahay khiyaano qaran.
Ruuxii dadka Kheyrka faraaya, waa inuu ahaadaa mid dadka ugu degdegsiiyo badan kheyrka uu faraayo. Rasuulka Eebe Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha’ahaatee wuxuu yiri xadiis macnihiisu yihiin:
“Ninkii dadka ugu yeera hadal ama shaqo, hadana aan isaga la imaanin, kama suulo carada Ilaahey, ilaa uu arinkaa ka haro oo sameeyo wixii uu sheegay ama dadka ugu yeeray inay sameeyaan”
Soomaaliya waxay u baahan tahay inay hesho Sinaan cadaalad ku dhisan, in lahelo Daryeelka Bulshada jilicsan, in lahelo Ixtiraamka xuquuqda Bulshada, in lahelo Ixtiraamka Xoriyada Saxaafadda, ku dhaqanka Shareecada Islaamka, iyo dhowrista Xuquuqda guud ee Muwaadinka, hadiise arimahaas la waayo oo ay noqdaan wax la iska sheegsheego oo dadka maatada ah lagu soo jileeceysto ma noqoneyso arin horseeda talaabooyin horumar ugu tilaabsan karto Bulshada Soomaaliyeed.
Horumarka Dalka ayaa imaan kara kolkaa arimahaa ugu yaraan laga helo 50%, iyadoo lagu dadaalayo kamid noqoshada Bulshada Caalamka iyo wanaajinta xiriirka bulshada inteeda kale.
Bulshada Soomaaliyeed waxay ka dheregtahay balanqaadyada beenta ah ee ay siyaasiyiinta dhegta ugu afuufaan kolkey dan leeyihiin ama kolka ay waayaan xilkii ay ka hayeen maamulka Dalka, wayna ka fiirsan doonan siyaasi danbe oo damac leh, waayo sheydaankuba mar buu ka mid ahaa malaa’igta eebe.
Siyaasada Soomaaliya oo aan weli degin, waxay siyaasiyiinta damaca leh arkaan inay maquunin karaan cid kasta oo isku dayda inay xaqiiqdooda soo bandhigto.
Cabduraxiim Cabdullaahi
c-abdalla@hotmail.com
Comments are closed.