Beerihii Qaranka Yaa u maqan…?
Warqad Furan oo ku socota Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”
Magaalo kasta oo dunidan aynu ku nool nahay ku taala waxay muujisaa ama ay meteshaa bulshada ku nool, hanaan dhaqankeeda, iyadoo Jardiinooyinka Magaaladana ay yihiin xuduntii quruxda magaaladaasi, oo ay danyarta iyo Shaqaalaha ku hami baxaan, hadiise ay jirin Jardiinooyin waxaa halkaasi ka baxaya quruxdii ay lahayd magaalada oo ka dhigaysa Baaloon aan lahayn meel uu ka neefsado.
Waxaa dhowaan kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir erayo yididiilo geliyay shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, warkaas oo ku qotomay guryaha dadweynaha ee xooga lagu haysto, oo runtii ah imtixaanka ugu weyn ee dowladda ka haysta dhinaca Cadaaladda.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalkeena Soomaaliya, ayaa waxay laheyd Jardiinooyin waaweyn oo kor u dhaafay 40 Beerood, kuwaasi oo qeyb ka ahaa quruxda iyo bilicda magaalada.
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ku habsaday Masiibooyin waaweyn, oo dhulka dhigay wax walba oo quruxsanaa, waxayna taasi keentay inay dad wax magarato ah burburiyaan goobihii Beeraha ee muujinaysay bilicdii dalka.
Tolow Jardiinooyinkaa qaranka uu lahaa oo ay dad dhisteen yaa u maqan, ama yaa u doodaya goobahaas lagu neebsan jiray, hadii aan tusaale u soo qaadano waxaa jiray Jardiinaha FOLORENCA oo aan maqalnay in Injineer Muwaadin Soomaaliyeed ah uu balan qaaday inuu hantidiisa ku cusbooneysiinayo, hadana aan wax laga qaban, Jardiinkiina Gurina laga dhistay, taasi oo xadgudub ku ah hantida Bulshada.
Waxaa xusid mudan in Injineerka Soomaaliyeed uu ka codsaday Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ah, iyo Maamulka Gobalka Banaadir, iyo Gudoomiyaha Degmada WartaNabada in ey arinkaan soo fara galiyaan joojiyaana dhismaha ka socda Jardiinka Foloransa, oo ahaa meel Jardiin ah oo Bulshada ey leedahay, wuxuuna tilmaamay inuu diyaar u yahay dib udhisida iyo qurxinta Beertaasi, haseyeeshee majirin cid dheg jalaq u siisa oo badbaadisa hantida qaranka iyo bilic soo celintii magaalada Muqdisho.
Yaa dib usoo celinaaya JARDIINOOYINKII Magaalada Muqdisho ee Quruxda badnaa….?
Comments are closed.