Gudoomiyaha degmada Jowhar oo dhagax dhigay dhismo cusub oo Kawaan Hilibka lagu iibiyo ah

xeydar May 6, 2014 Comments Off
Gudoomiyaha degmada Jowhar oo dhagax dhigay dhismo cusub oo Kawaan Hilibka lagu iibiyo ah

Guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo ah kawaanka lagu iibiyo hilibka oo laga hirgelinayo magaalada Jowhar.

Dhismaha kawaankan oo ay maalgelinayso mashruuca loogu magac daray Danguud ayaa waxaa hirgelinaya shirkad wadani ah oo lagu magacaabo Safa taasoo ku guuleysatay tartan la dhex dhigay shirkadaha ka howlgala gobolka Sh/dhexe.

Hadal gaaban oo uu ka jeediyay goobta dhagax dhiga kawaanka ayaa waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool magaalada Jowhar in ay ilaalsadaan dhismahan casriga ah ee kawaanka loogu dhisayo.

“Reer Jowharow hore ayaad gacmihiina ugu burburiseen hantida maguurtada ah ee waxaan idinka codsanayaa in aadan mar dambe gacmihiina aadan ku baab’in hanti aad leedihiin.” Ayuu yiri guddoomiye Maxamedamiin Cismaan.

Kawaankan oo laga hirgelinayo suuqa ugu weyn magaalada Jowhar ayaa waxaa uu yahay mid laga dhisayo goob hore u ahayd kawaan taasoo lagu bililiqeystay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Dadka ka ganacsada hilibka ayaa soo dhoweeyay dhismaha kawaankan cusub. Xaawo Cumar oo ka mid ah haweenka ku iibiya hilibka suuqa Hantiwadaag ayaa ku tilmaantay dhismaha kawaanka mid ay aad u soo dhoweynayaan ayna kaga bixi doonaan dhibaatadii ka haysatay inay meel nadiif ah ku iibiyaan hilibka.

Dhismaha kawaankan ayaa ah mashruucii ugu horeeyay ee mashaariic hore loogu ballanqaaday in laga hirgelinayo magaalada Jowhar, waxaana la qorsheynayaa in dhowaan laga hirgeliyo mashaariicyo kale oo bulshada wax u taraysa.

Comments are closed.