Dowladda Kenya oo aan ka soo qeybgelin caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waa maxay sababtu?

xeydar September 17, 2012 Comments Off
Dowladda Kenya oo aan ka soo qeybgelin caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waa maxay sababtu?

Dowladda Kenya oo noqotay dalkii ugu horeeyay ee wafti heersare ah u soo dirta Soomaaliya 48-saac gudahood ka dib markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaan shalay ka soo qeybgelin caleemo-saarka Madaxwenaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo dad badan ka yaabisay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee arrintani kaliftay, laakiin wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo in isfaham-daro cusub ay kala soo dhexgashay Kenya iyo Madaxweynaha cusub taas oo ku saabsan magacaabista Ra’isul wasaaraha cusub, waxaana la sheegay in wafdigii Kenyaanka ahaa ee Muqdisho yimid ay u sheegeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Ra’isul wasaare u magacaabo nin ay iyagu wateen, balse uu ka diiday, arrinkaas ayaana loo maleynayaa inuu sababay baaqashadooda.

Waxaa kale oo sababta baaqashadooda loo badinayaa qarax lala eegtay Madaxweynaha cusub xilli uu qaabilayey waftigii ka socda dowladda Kenya oo uu kula kulmayey Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudantahay in Soomaaliya iyo Kenya ay hadda isku heystaan ceelal shidaal ah oo ay Kenya ka qodeyso badda Soomaaliya, taas oo ay ka soo horjeedaan shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiintooda intaba, si kasta oo ay ahaatase si rasmi ah looma oga sababta ay uga maqnaadeen caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ay ka soo qeybgaleen inta badan dalalka qaaradda Afrika.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.