Cayaar ka tirsaneyd tartanka koobka Madaxweynaha ee kasocda magaalada Jeddah, ayaa waxay ku dhexmartay garoonka Al-Taraji labada kooxood ee ELMAN Vs. MARKA STARS, kuwaasi oo kawada tirsan groupka labaad.
Ciyaarta ayaa ahayd mid degan gelinkeedii hore, waxayna labada kooxood ahaayeen kuwo ilaalinayay goolkooda, mana jirin weeraro la sheegi karo oo khatar geliyay labada dhinac, waxayna gelinkaasi kusoo gabagabowday 0 – 0.
Gelinkii dambe ee ciyaarta kolkii ay lasoo tashadeen labada kooxood tababarayaashooda, waxay noqotay mid weerar iyo weerar celis ah, dadweynihii daawanayeyna ay xamaasad gelisay, waxay ciyaartu socotaba waxaa goolkii ugu horeeyay lagu keenay kooxda Marka Stars daqiiqadii 13-aad, inta aysan is furfurin ayaa hadana daqiiqadii xigtay oo labeeyay, markaa kadib waxay ciyaartu isu bedeshay mid weerar dhinaca Marka Stars oo keliya ah 10 daqiiqad oo kaamil ah, waxaana usuura gashay Goolkoodii ugu horeeyay, haseyeeshee ciyaartoyda kooxda ELMAN oo ka faa’ideysanaya daalka ka muuqday kooxda Marka Stars ayaa waxay si daran doori ah ugu keeneen laba gool oo jahawareer ku riday ciyaartoyda Marka Stars, waxayna kusoo gabagabowday 4 – 1 oo ay kooxda ELMAN ugu awood sheegatay kooxda Marka Stars.
Jiinwabi – Desktop News – Jeddah.
Comments are closed.