Xaflad lagu soo gabagabeynayey tartan dhowr bilood ka socday magaalada Jeddah oo lagu maamuusayey Allaha unaxariistee Halyey Sheekh Cabdi Abanuur “Sh. Cabdi Taraafiko” ayaa xalay ka dhacday garoonka ALTARAJI ee xaafada Sharafiyah, iyadoo ay kasoo qeyb galeen Bahweynta Isboortiga Magaalada Jeddah.
Tartankan ayaa ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen guddiga xiriirka kubadda cagta ee xaafadda Caneykish, iyadoo ay qeyb libaax leh ka qaateen shakhsiyaadka Isboortiga magaalada Jeddah oo uu ugu horeeyo Muuse Cabdalla “Goobe”, Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”, Aweys Amiin, Yuusuf Xaaji, Aweys Cali Munye, Cali Suufi Cusmaan, Anwar Jeylaani, iyo Xuseen X. Maxamed “Xuseeneey”, waxaa xaflad kasoo qeyb galay shakhsiyaad Isboorti oo rug cadaa ah, kuwaasi oo kala ahaa Eng. Qaasim Xamaraawi, Siidka, Maclimuu laacibkii Naadiga Batroolka, Sheekh Nuur, Saciid Haaruun, Axmed Coon, Jamaal Jeesto, Maki, Cabdiraxiim Elman, Sheekh Nuur Qaroofow, iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin, sidoo kale waxaa isna qeyb libaax leh ka qaatay tartanka Talefishanka caalamiga ee SomaliChannel.
Halyey Sheekh Cabdi Abanuur “Sh. Cabdi Taraafiko” ayaa ahaa shakhsi furfuran oo taariikh weyn ku leh shacabka Soomaaliyeed, shaqadana u gudan jiray si daacad ah, waxaana uu joogi jiray Isgoyska Dabka iyo kan Otto Ottada.
Sh. Cabdi ayaa ahaa mid soo bixiyay Jiil weyn oo howl kara, tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna sii hayey howlihiisa Booliska Wadooyinka oo uusan marna ka tegin, wuxuuna soo saaray rag badan oo shaqada booliska Wadooyinka wada.
Cayaartii maanta ayaa waxaa wada ciyaaray labada kooxood ee Makaroona iyo Iftiinka Caneykish, iyadoo ay ahayd cayaar kama dambeys ah, waxayna labada kooxood kusoo galeen dardar xoogan oo soo jiidatay taageerayaasha labada kooxood.
Gelinkii hore ee ciyaarta ayay labada kooxood isla mari waayeen 0 – 0, haseyeeshee gelinkii dambe kolkii la isugu soo noqday oo ay labada kooxoodba lasoo tashadeen tababarayaashooda, ayaa waxay kooxda Makaroona la soo baxday xeelad iyo farsamo dheeri ah, taasi oo u suura gelisay inay dhinaca dhulka u dhigaan xiddigaha Iftiinka Caneykish cayaarta ay kusoo gabagabeyeen 4 – 2.
Waxaa halkaasi Koobkii Halyey Sh. Cabdi Taraafiko lagu gudoonsiiyay Kooxda Makaroona, sidoo kale waxaa iyana la gudoonsiiyay kooxda Iftiinka Caneykish Koobka Kaalinta Labaad, waxaa sidoo kale shahaadooyin sharaf lagu gudoonsiiyay shakhsiyaadkii Isboorti ee kasoo qeyb galay Ciyaartaasi.
Mohamoud Sh. Abdulkadir “diyeeshe’
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.