Sii hayaha Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya Mudane Daahir Axmed Wehliye iyo Shaqaalaha Qunsuliyadda ayaa maanta si wacan ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wafdigii uu hogaaminayey oo maalmahan booqasho ku jooga dalkan boqortooyada Sacuudiga.
Booqashada Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku qotonta kormeerida iyo ka warqabka mas’uuliyiinta Dowladda xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah, iyadoo uu Wasiirka kulan kula yeeshay Xafiiska sii hayaha Qunsuliyadda Mas’uuliyiinta Qunsuliyadda, waxayna ka wada hadleen habsami u socodka howlaha Qunsuliyadda ay u hayso bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ku amaanay Shaqaalaha xilka weyn ee ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay inay mideeyaan dadaalkooda, si loo helo Bulsho fiyow oo kicisa dareenka Bulshada ee ku aadan Nabadda Soomaaliya.
Mudane Xaamud ayaa kula dardaarmay Jaaliyadda Soomaaliyeed inay sameeyaan xisaab lagu taakuleeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, islamarkaana dalka dib loogu dhisayo.
Kulanka maanta waxaa Wasiirka Gaashaandhiga ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Axmed Maxamed, Abaanduulaha Ciidamada cirka Maxamuud Sheekh Cali, iyo u qaabilsanaha dhinaca meleteriga ee Safaarada Soomaaliya Mudane Cadi Xasan Maxamed.
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “Diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Jeddah – KSA
Comments are closed.