Banaanbax ka dhacay degmada Kaxda oo looga soo horjeedo go’aankii ka saarista degmooyinka G.Banaadir

jiinka March 29, 2014 Comments Off
Banaanbax ka dhacay degmada Kaxda oo looga soo horjeedo go’aankii ka saarista degmooyinka G.Banaadir

Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo go’aankii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab ee ahaa ka saaristii degmada Kaxda, degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay deegaanka Kaxda oo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u aqoonsaday in Kaxda ay noqoto degmo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Banaanbaxan oo ay ka qeyb galeen boqolaal ruux oo isugu jira, Dhalinyaro, Haween, Odayaal iyo Culumaa’udiin ayaa looga soo horjeestay talaabadii uu Gudoomiye Muungaab uga saaray degmadaas degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Kaxda Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in xaqii degmadan ay laheyd, isagoo ugu baaqay Madaxda dowladda inay jawaab cad ka bixiyaan arrintan, kadib markii laga saaray shir Gudoomiyeyaasha degmooyinka ay lahaayeen.

Dadweynihii banaan baxayay ayaa ka codsaday Madaxda Dowladda inay soo fara geliyaan go’aankan guracan ee uu ku dhaqaaqay Muungaab, iyagoo sheegay inay taasi tahay mid lagu ciqaabayo shacabka degan degmadaasi.

Gudoomiyaha Kaxda ayaa in muddo ah ka qeyb galayay shirarka Gudoomiyeyaasha degmooyinka, xilligii uu xilka hayay Gudoomiye Maxamuud Tarsan, waxaana Kaxda ay ku aheyd tirada degmooyinka Gobolka Banaadir degmada 17aad.

Ma jiraan wax wara oo rasmi ah ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya oo ku saabsan go’aanka Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab.

Jiinwabi.net

 

Comments are closed.