Magaalada Abuu Gureyb iyo Zeydaan ayaa dagaalo ba’an ay isaga horyimaadeen ciidamada Ciraaq iyo xoogaga hubeysan ee Qabaa’ilka dega Gobolka Alanbaar.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dalka Ciraaq, islamarkaana hogaaminayey guutada 17-aad ayaa lagu dilay dagaalo maanta ka soo cusboonaaday Gobolka Al-anbaar, iyadoo saddex Askari oo kalena lagu dilay.
Dhinaca kale ciidamada Ciraaq ayaa sheegaya inay dileen shan kamida xoogaga hubeysan ee Qabaa’ilka, kadib markii ay duqeyn u geysteen goobo ay xoogagaasi ka qabsadeen ciidamada dalka Ciraaq.
Dagaalo kuwan lasocda oo maalintii shalay ka dhacay koonfurta magaalada Faluuja ayaa la sheegay in lagu dilay 44 ruux oo isugu jira Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidamada dalka Ciraaq, lagana gubay gawaari kuwa dagaalka ah.
Ciidamada dalka Ciraaq ayaa dagaal xoogan ku qaaday Gobolka Alanbaar, dagaalkaas oo galay bishiisii sadexaad, iyadoo saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan inay la dagaalamayaan kooxaha Islaamiga ah ee taabacsan Alqaacida, haseyeeshee hogaamiyayaasha Qabaa’ilka dega gobolka ayaa sheegaya inay yihiin dagaalka mid lagu doonayo in lagu ciribtiro dadweynaha deegaanka oo ah dad SUNNI ah oo ka cabanaya siyaasadda qaloocan ee uu dalka ku hogaamiyo Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Nuuri Almaaliki.
Jiinwabi.net
Comments are closed.