Ciyaar ka tirsaneyd tartanka Koobka Madaxweynaha ayaa Xalay ka dhacday garoonka ALTARAJI ee xaafada Sharafiyah, iyadoo ay iswada arkeen kooxaha Xiddigaha Kakane Vs Xiddigaha Horseed.
Cayaartan ayaa kamid ahayd tartankii ay soo qaban qaabiyeen guddiga Sare ee Isboortiga magaalada Jeddah, iyadoo ay qeyb libaax leh ka qaadaneyso Talefishanka caalamiga ee SomaliChannel, waxaana ka qeyb galaya 10 kooxood oo loo qeybiyay laba guruub.
Kooxaha ku tartamaya ayaa laga soo xulay afarta xiriir ee ka dhisan magaalada Jeddah, waana ciyaartii labaad ee tartankan, iyadoo ciyaarta furitaanka ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Dr. Khalid Cumar Cali, iyo Kuxigeenka Xoghayaha Olymbikada Soomaaliya Mudane Ibraahim Shaamo, waxaana is wada arkay kooxaha JOWHAR iyo IFTIN STAR oo isla mari waayey 0 – 0.
Ciyaartii maanta oo ahayd ciyaar aad iyo aad u kulul ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis ay labada kooxood is dhaafsadeen, waxayna gelinkii hore ee ciyaarta kusoo gabagabowday 0 – 0.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayaa waxay labada kooxood lasoo galeen dardar sii xoogeysatay oo dhinaca weerarka ah…waxaana kooxda Xiddigaha Kakane u suuragashay daqiiqadii 41 aad ee gelinka dambe inay gool ku keenaan kooxda HORSEED, oo niyad jab ku riday ciyaaryahanadii Horseed, laakiin waxay sii wadeen weerarkii ay ku hayeen goolka X. Kakane, haseyeeshee waxaa haleelay waqtigii ciyaarta oo dhamaaday, waxayna guusha ku raacday kooxda Xiddigaha Kakane 1 – 0.
Mohamoud Sh. Abdulkadir “diyeeshe’
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.