Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya oo Furay tartanka Koobka Madaxweynaha ee Jaaliyadda Jeddah.

jiinka March 21, 2014 Comments Off
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya oo Furay tartanka Koobka Madaxweynaha ee Jaaliyadda Jeddah.

Tartan loogu magac daray Koobka Madaxweynaha ayaa Xalay ka furmay garoonka “Accademy of Barazil” ee maagalada JIDDAH, iyadoo ay kasoo qeyb galeen kooxo gaaraya 10 kooxood oo loo qeybiyay laba qeybood.

Furitaanka tartankan ayaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Mudane: Dr. Khalid Cumar Cali iyo Dr. Cabdifataax Khaliif Faarax la taliyaha Wasiirka iyo Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Olombikada Soomaaliyeed Mudane Ibraahim Shaamow iyo Xubno ka socday Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah.

 

Waxaa Xafladda goob joog ka ahaa Siyaasiyiin, Ganacsato iyo bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Jiddah, iyadoo ay sidoo kale kasoo qeyb galeen gudoomiye kooxeedyada ka qeyb galaya tartanka, Agaasimayaal, Gudiga qabanqaabada,  Ciyaartoydii  berisamaadkii, bahda saxaafadda iyo taageerayaasha ciyaaraha kubadda Cagta, waxayna dhamaan ku faraxsanaayeen hanaankii loo soo agaasimay tartanka iyo dhalinyarada ka qeyb galaysa cayaarahaasi.

Tartankan Koobka Madaxweynaha ayaa soo agaasimay Guddiga Sare ee Isboortiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah, iyadoo ay maskaxdiisa kasoo maaxatay Eng. Cabduraxmaan Abanuur, waxaana uu noqon doonaa Koob sanadle ah oo ay ku tartamaan kooxaha Soomaaliyeed ee ka hirgashan magaalada Jeddah.

Waxaa furitaanka Xafladda khudbad yar ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Mudane: Dr. Khalid Cumar Cali oo sheegay in ay wanaagsan tahay midnimada Isboortiga wuxuuna ku guubaabiyay Ciyaartoyda inay la yimaadaan Isboorti wanaagsan oo Akhlaaqdiisu sareyso.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha guddiga sare ee Isboortiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jiddah mudane Maxamed X. Axmed “DANAB” oo yiri:  “Hadii aynu nahay madaxa Isboortiga jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jiddah, waxaanu abaabulney tartamadan, si aanu qeybteena ugu muujino in caalamku aan la mid nahay, horeyna aan u wadi doonno tartamada ciyaaraha si loo helo dhalin tayo leh, awoodana inay ka barbar ciyaaraan ciyaaryahanada dunida.”

Waxaa Ciyaarta maanta lagu furay labada kooxood ee JOWHAR Vs. IFTIN STARS, iyadoo ay labadii gelin ee ciyaarta 0 – 0 isla mari waayeen.

Jiinwabi – Jeddah – KSA

Comments are closed.