maxaad ka taqaanaa gobolka hiiraan

jiinka February 11, 2014 Comments Off
maxaad ka taqaanaa gobolka hiiraan

magaalada beledweyne xarunta gobolka hiiraan waa magaalo istaajiyad ah oo ku taala bartamaha dalka somaaliya

magaalada beled weyne waxaa degan ilaa 14 beeloood beelood uu ka dhaxeyo dhaqan soo jiren ah oo ay ka leeyih

dhibaatooyinka kala gaaro beelaha halkaasi degan, magalada beledweyne waxaa  ay caan ku tahay dhaqashada xoolaha nool iyo wax

soo saarka.magaalada beled weyne waxa ay xiriir la leedahay gobolka shabelada dhaxe ,galgaduud,bakool;iyo kilinka shanaad somaalidaa dalka itoopiya nolosha dadk degan magalada beledweyne waxa ay ku tiirsan tahay  ganacsiga caasimada dalka ee muqdisho iyo magaada ganacsiga ee

bosaaso, oo ka tirsan maamulka putlan

magaalada beledweyne waxa ay leedahay taariiq dheer waxaana ka soo baxay siyaasiyin magac ku yeeshay siyaasada dalka soomaaliya

magaalada beled weyne oo xarun u ah gobolka hiiraan waxa ay ka mid tahay 8 gobol ee dalka,gobolka hiiraan weli ma qeybsamin halk gobolada dalka soomaaliya ay u qeyb sameen labo ilaa sedex gobol

hadii aan idiinka xususiyo xiligii gumeysataha xarunta gobolka hiiraan waxaa ku dagaalamay,ciidamadii daraawiishta uu hogaaminayay sayid max/ed cabdule xasan iyo ciidamo beeleed lagu magacaabo HORMO DIID  oo ciidanka daraawiishta u diiday in ay uga gudbaan gobolka hiiraan dhanka gobolada waqooyi iyadoo sayidka watay ciidan aad u faro badan ayaa waxa uu sayidka uu la soo xiriiray GUURE  DACAAR BAXAAR

uu sayidka waraaqo iyo fariimo uu u soo diray si isaga iyo ciidankiisaba ay daraawiishta ay uga mid noqdaan GUURE DACAAR BAXAAAR gebi ahaanba waa diiday codsiga  sayidka waxaana dhex maray cdankii sayidka iyo ciidankii uu watay GUURE DACAAR BAXAR dagaalo caan baxay oo lagu xasuusto taariiqda gobolka hiiraan iyadoo ciidanka uu watay GUURE DACAAR BAXAAR ay ku dagaalamayeen warmo ,falaar,faasas iyo qori gacmedyo aan tayo laheyn, hadaba qormadaan waxaad ka hel doontaa gabayadii labad dhinac is weydaarsadeen iyo taariiqda ay dhceen dagaaladaasi iyadooo aan ka sooo xigandoono qormadaan waayo aragii waqtigaa joogay oo aan ka wareysaneyno wixii uu ka og yahay wixii dhacay waqtigaa     a soco q2aad arbacada soo socta inshaa allaah

 

w/q cismaan aaden careys

carees310@gmail.com    

areys22@hotmil.com

Comments are closed.