beeraleyda gobolka hiiraaan oo hayada shabele foundation ka codsaday in gacan ka siiso xirida fatahadaa iyo abuurka beeraha

jiinka February 9, 2014 Comments Off
beeraleyda gobolka hiiraaan oo hayada shabele foundation ka codsaday in gacan ka siiso xirida fatahadaa iyo abuurka beeraha

beerleyda ku dhaqan deegaano ka tirsan gobolka hiiraan

beeraleyda iyaga ku hareereysan tuulooyinka wax soo saarka caanka ku ah  ee ku dhow magaalada beledweyne ayaa waxa ay ka codsadeen shabeele foundation in ay ka gacan siiso xirida dooxooyinka iyo sameynta kanaalada madama dadka beeraleyda ay yihiin kuwo dan yar ah oo awood u laheyn

in ay wax ka qabtaan dhibaatoyinka aan kor ku soo sheegnay,beeraleyda ku dhow magaalada beledweyne ayaa iyaga wax ay tacbadan

dalagyada ay ka mid yihiin qudaarta sida bagalka ansalaatada,baabaayga,kabsarta.korootada.rexaanta.bas baaska, bocor cadaha.yaanyada

mar aan wax ka weydiyay mid ka mid ah beeraleyda ayaa shabeele u sheegay

in qudaarta ay yihiin kan ay ku maareyaan nolol maalmeedkooda oo muddo gaaban ay ku dheefsadaan,beerleydaani ayaa intaa ku daray hadii ay hayada shabelle foundation gacan ka siiso helida abuurka shidaalka cuntada  in ay taa ku dhiiri gelineyso in ay sare u qaadaan wax soo saarkooda .hayada shabeele foundation  ayaa dhawaan ka sameysay howlo cunto quudin ah taa oo ay ugu tala gashay iskuulada ay wax ku bartaan caruurta ay dhaleen waalidiinta aan awoodin in ay iska bixiyaan feega iskuulka kuwaasoo hada ku jiira xerooyinka barakacayash ee ku yaala magaalada beledweyne x/gobolka hiiraan maamulka iskuulka barakacayasha ee xerada dhuur dheere ayaa hayada shabelle foundation  ka codsaday in ay ka saacidaan kuraas miisas,qalimaan,iyo agabka kale ay u baahan yihiin

 

cismaan aaden careys 

tell 0618382445 ama 0615510265  ama

carees310@gmail.com

Comments are closed.