Magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxaa gaaray gaadiidyo nooca xamuulka oo siday cunto gargaar loogu tala galay qoysaskii ku waxyeeloobay fatahaadaha iyo colaado ka dhacay gobolkaasi.
Munazammad Al-Dawa oo deeqdani gargaar ah u qeybisay dad ka soo barakacay Tuulooyinka ku teedsan magaalada Jowhar oo haatan ku sugan tuulooyinka kala ah Baarey, Banaaney iyo Xaafada Kulmis oo ka tirsan magaaladda Jowhar.
Gargaarka lagaar siiyay jowhar ayaa waxaa loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka sameeyay tuulooyin hoostaga jowhar iyo colaadaha ka dhacay qeybo ka mida gobolkaasi.
Gargaarkaan Raashiin oo Al-Dawa ugu talo gashay qoysaska barakacayaasha ah waxuu isugu jiray Bariis, Galley iyo Saliid , dadka la gaarsiiyay cuntadan ayaa gaaraya ku dhawaad Labba Kun (2000) oo qoys oo kasoo barakacay Tuulooyinka kala ah Geedo Barkaan, Timire, Mareerey, Kaluundi, Jowhar Somali, Mayuungaale, Gumbe kuwaas oo uu ku fatahay wabiga shabelle iyo dagaalo ka dhacay tuulooyinka ay ku noolaayeen.
Deeqdaan ay Al Dawa gaarsiiyay dadkaas ayaa ahayn tii ugu horeysay iyadoo dhawaan qeybaha kale ee gobolka Shabelada Dhexe ay u sameeynayaan Gargaar dhanka caafimaadka ah Taas oo xiligaani aad ugu soo farabateen dadkii dhibaatooyinka fatahaada biyaha wabiga Shabelle saameynta balaaran ku yeeshay, Kuwaas oo maciin biday iney xerada AMISOM ee Air Boorka Jowhar dagaan ayey Munazamad Al- Dawa bixisay Raashiin ay ku farxeen barokacayaasha.
Qaar ka tirsan Qoysaska ka faa’iideystay gargaarka ayaa u waramay Shabakada Jiinwabi.net waxay sheegeen iney tahay deeqdani tii ugu balaarneed ee soo gaarta Tuulooyinka lagu soo baro kacay IDP.
Sikastaba ha ahaatee qoysaskani ayaa waxay ka codsadeen Munazammad Dawa Al Islaamiya kaalmada in ay u laba laabaan qoysaska ku dhibaateysan Magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
http://jiinwabi.net/
00252 61 5507763
Mogadisho Somalia
Comments are closed.