KULLAN BALLAARAN OO AY ISUGU YIMIDEEN BEESHA GU-GUNDHABE

xeydar January 10, 2014 Comments Off
KULLAN BALLAARAN OO AY ISUGU YIMIDEEN BEESHA GU-GUNDHABE

KULLAN BALLAARAN OO AY ISUGU YIMIDEEN BEESHA GU-GUNDHABE AYEY KU
ICLAAMIYEEN MUDANIHII AY XILKOODDA U QABAN LAHAA, KAGANA SOO
HORJEESTAY SHAQSIYAAD KALE IN LA MAGACAABO.

kullan aad u ballaaran ay soo qaban qaabiyeen duubabka, waxgaradka,
siyaasiyiinta aqoonyahanadda, Culumaau diinka, Dhalinyaradda Beesha
Gu-gundhabe ayaa lagu qabtay maanta magaalladda Muqdisho.
kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay beeshu aysan raali ka ahayn cid
aysan iyagu si wadajir ah isugu raacin oo loo magacaabo xil,

bayaan ay soo saareen beesha Gugundhabe ayaa waxaa saxaafadda u
aqriyay Nabadoon Nuur Bocor Jeelle, nabadoonka ayaa sheegay in xiligii
la qaybsanayay xubnaha baarlamaanka waxaa la yiri xaq ma aha ee waa
xal, hadaba qaybtii saa ahayd markasta in lagu salleeyo wasiirdda sax
ma ahan.

sidoo kale waxaa ka hadlay madasha kullankaasi Mudane Sheekh Xuseen
C/lle Fareey oo ka mid ah Mashaaiqda beesha Gugundhabe waxa uuna
sheegay in beeshu tahay Curudka hawiye ay xaq u leedahahay xubinteedda
wasiirnimo ayna iyaga u madax banaan yihiin ayna si buuuxda dhamaan
beesha isugu raacsan yihiin in ay xubintoodda wasiirnimo ku aaminayaan
Dr Maxamed Cali Ibraahim.

dhanka kale waxa kullankaasi beesha Gugundhabe isugu yimaaddeen ka
hadashay Maamo Xaliima Macalim oo iyaddana ka socotay dhanka Bulshadda
Rayidka, iyadana waxa ay si waadix ah u sheegtay in ay Madaxwaynaha &
Ra iisul wasaaraha ka codsanayaa in ay aqballaan oo aysan soo
magacaabin cid aysan iyaga raali ka ahayn ayna isu raacsan yihiin in
xilkoodda u qabto Dr Maxamed Cali Ibraahim.

 

Comments are closed.